Farsamooyin Yar Oo Farxad Joogto Ah Ku Beeraya Gacalisadaada Ee Ninyahoow Adeegso

Bulsha:- Ragga qaar ayaa u haysta in farxad gilinta haweenka ama in dhoola cadeyn laga keeno ay tahay arin mustaxiil ah balse  waxa ku siineynaa tilmaamooyin sahal ah oo aad ku farxad gilin karto.

Marka aad kada xaajooneysaan arimo oo aad aragto in xoogaa ay wel wel gashay haka laba labeyn in aad madaxeeda dhunkato.

Kullamaa lamaantaada ay damacdo in ay banaanka u baxdo balse ay culeys kala kulanto is diyaarinteeda caawi oo waliba u xul dharka nooca ay ku nuureyso , ogoow haweenka ma jecla ragga dhibsad marka ay is diyaarineyso.

Mar waliba oo uu waqtiga ku caawiyo u keen hadiyad xittaa haddii ay tahay mid jaban waayo waa ay farxad gilineysaa.
Marka ay mashquul ku tahay howasha guriga u imoow oo xabad gili ugana mahad celi dadaalka ay gurigaada iyo caruurta ay ku bixineyso.

Marka aad u wada baxdaan qaraabo salaan qoyskaada ama keeda ee ay kaaga mashquuso qoyska haddii ay taleefanka gacanta wadato u dir fariin aad ugu sheegeyso in aad u xiistay oo daqiiqadaha ay kaa maqan tahay ay kuula mid tahay sanado badan
U muuji in aad ku faaneyso in ay xaaskaada tahay.

Subax subax uga yaabso in aad adiga quraacdo soo diyaariso waliba sariirta geeskeeda u dhig , waxa ay ku leedahay dhoola cadeyn aroornimo ayay qac kaaga saneeysaa waliba waxa ay kaa codsaneysaa in ay ku dhukanto.
Waligaa haka laba labeyn haddii aad tahay nin shaqeeya in aad soo wacdo waxna ka weydiiso xaaladeeda maalintaas una sheeg in aad u xiistay .

Erayga waa qurxoon tahay u badi xittaa markaas haddii aysan wadin dhar nuuraya ama habeynta jirkeeda ay ka dhacsan tahay waayo uma baahnid in aad munaasabad gaar ah ku tiraahdo lamaantaada waad qurxoon tahay .

Haka baqiilin in qosykaada u muujiso heerka wanaag iyo sifaadka qurxoon ee ay gacalisadaada leedahay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment