Dumarka ayaa sida ragga waydiista mishaar badan laakiin kuma guulaystaan inta badan

Bulsha:- Fikirka ah in dumarka ay lacag ka yar ragga qaataan, sababtoo ah dumarka aad uma waydiistaan in lacagta loo kordhiyo shaqada markay joogaan ma aha mid run ah, ayay sheegtay daraasaad cusub oo la smeeyay.

Dumarka ayaa sida ragga waydiista in lacagta loo kordhiyo- laakiin waxay waxay u badan ma helaan inta badan, ayay sheegtay daraasaad cusub.
Daraasaadka ay samaysay Cass Business School iyo jaamacadaha Warwick iyo Wisconsin, ayaa baaray 4,600 shaqaale.

Waxay heshay "wax taageeraya inaysan jirin" fikirka dumarka inaysan waydiisan in lacagta loo kordhiyo
Markii la is barbar dhigay shaqaalaha dumarka iyo kuwa ragga, nimanka ayaa 25% ay u badan tahay in lacagta loo kordhiyo markii ay waydiistaan, ayay daraasada heshay.

Daraasada ayaa sidoo kale heshay, inaysan jirin cadayn sheegaysa in dumarka aysan waydiisan in mishaarka loo kordhiyo, sababtoo ah inay ka walwalayaan inay ka xanaajiyaan madaxdooda.
Markii ay natiijada ay falanqaynayeen, ayay kooxda baaritaanka samaynaysay ayay eegeen baaxada shirkada, in shaqaalaha ay waalid yihiin iyo shahaadada ay haystaan.

Xogta ayaa ku salaysnayd 2013-14 baaritaan lagu sameeyay xiriirka goobaha shaqada. Australiya ayaa loo arkaa inay tahay waddanka kaliya ee si joogto ah u diiwaan galiya in shaqaalaha ay waydiisteen lacag kordhin iyo sababta ay u waydiisteen ama ay u waydiisan waayeen.
Daraasaadka ayaa sidoo kale helay iany jirto farqi u dhaxeeya da'da, iyadoo dumarka iyo ragga afartanka sano ka yar ay waydiisanayaan in mishaarka loo kordhiyo si isku mid ah. Taas oo baarayaasha ay sheegeen inay micnaheedu noqon karo in dabeecada wadaxaajoodka uu isbadalayo.

Dr Amanda Goodall oo ka tirsan Cass Business School, oo wax ka qortay daraasaadka ayaa sheegtay "Dumarka da'da yar maanta inay ka wadaxaajoonayaan lacagta ay qaataan iyo xaalada ay ku shaqaynayaan si ka guul badan dumarka da'dooda wayn tahay, taasna waxaa la filayaa inay sii socoto markii ay madax noqdaan."







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment