Director Rohit “Ma dagaalami karno Aniga Shah Rukh Khan”

Bulsha:- Kadib markii filimka Dilwale sanadkii hore guul dareestay ama uu gaari waayay heerkii laga rabay sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan waxaa la sheegay in Director Rohit Shetty iyo Super Star Shah Rukh Khan qilaaf xoogan soo kala dhex galay.

Sidoo kalena waxaa la baahiyay in labadan shaqsi ay gabi ahaanba hakad galiyeen mashaariicda ay mustaqbalka ka wada shaqeyn doonaan.

Hadaba Director Rohit Shetty ayaa wax laga weydiiyay isaga iyo SRK xurgufta dhex taalo wuxuuna ku jawaabay “Sideen isku dagaali karnaa SRK, madaama uu yahay qof dadka iiga dhow oo aan aqoon fiican isku leenahay”

Waxaa la weydiiyay Rohit Shetty in filimka Tamil-ka ah Theri ee Blockbuster-ka weyn noqday uu sameyn doono asigoo Hindi ah sidoo kalena Akshay Kumar hogaamiye kaga dhigay halkii uu SRK u dhiiban lahaa.

Rohit Shetty wuxuu yiri “Aniga SRK ma jirto inaan ka wada hadalnay dib u sameynta filimka Theri, sidoo kalena qorshaha iiguma jirto inaan filimkaan Akshay Kumar u sameeyo”
“Jilaa kasto waan la shaqeyn karaa laakiin midaas micnaheeda ma ahan hadii aan atoore igu cusub la shaqeenayo inaan kala harnay kuwii aan horey saaxiibo u ahayn”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment