Bulsha:- Laanta duulimaadyada Maraykanka ayaa rakaabka la socda dayuuradaha ee wata taleefoonnada noocoodu yahay Samsung Galaxy Note 7 kula taliyay inaysan daarin ama aysan dabaynin inta ay dayuuradda dhexdeeda ku jiraan.
Saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in rakaabku aysan galinin talefankaas boorsooyinkooda.
Sidoo kale, Shirkadaha dayuuradaha ee Australian Airlines ayaa iyana macaamiishooda ugu baaqay inaysan diyaaradda ku isticmaalin taleefanadooda gaar ahaan Galaxy Note 7.
Shirkadda Samsung ayaa hakisay iibinta taleefankan todobaad ka hor, ka dib markii la ogaaday in qaar ka mid ah taleefankooda u dambeeyay uu dab ka kacayo ama qarxayo marka la damco in dab la geliyo ama garger gareeyo.
Samsung ayaa dib u soo celinaysa 2.5 milyan oo taleefan oo noocoodu yahay Galaxy Note 7 oo la iibiyay ama loo kala diray adduunka si cilad ku jirta loo baaro
HALKAAN KA DAAWO SIDA UU WAXA U QARIBAYO


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment