Bulsha:- Heesaaga caanka ah ee reer Mareeykan Chris Brown, ayaa markale mashaqo lugaha la galay, kadib markii uu Qori madaxa ka saaray Quruxleydii hore ee Baylee Curran.
Baylee Curran, ayaa wacday 991 Habeenkii Talaadada ee lasoo dhaafay, kadib markii ay isku dhaceen Chris islamarkaasina sida ay sheegtay uu madaxa ka saaray Qori guriga u yiil uguna hanjabay inuu dilayo.
Chris Brown, aya marki ay booliska yimaaden u diday inay so galaan gurigisa iyag oo aan wadaan waraaq warent ah balse ugu danbeyn booliska aya xiray , isagoona 11 saacadood kadib lagu sii daayay Damiin, kadib markii laga dhigay lacag dhan $250,000.
Baylee Curren, oo mar noqotay quruxleyda California, ayaa Chris Brown ku eedeysay inuu ku xadgudbay nolosheedana qatar galiyay.
Booliska oo soo gaaray guriga Chris oo ku yaal magaalada Los Angeles, ayay mudo saacado ah ku qaadatay in loo jawaabo ama laga furo, kahor inta aysan helin amar ay gurigiisa uga baaraan Hub
Sida ay daabacday TMZ, Booliska ayaa Chris Brown jirkiisa ka baaray Daroogo, waxaana xili dambe oo saqdhexe ah lagu sii daayay Damiin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment