10 Waxyaabood OoSi Dhakhso Ah Miisaanka Kaaga Ridaya……

Bulsha:- Miisaanka Badan , Qof kasta oo isku daya in uu yareeyo miisaanka waxa ay ka qaadataa dadaal badan iyo hawlkarnimo dheeraad ah. Nasiib-wanaag, way ka fududahay, sida aad ka fikirayso. Haddii aad gubto tamar badan marka loo barbar-dhigo ta aad ka hesho cuntadda, culaysku wuu kaa dhacayaa. Taas macnaheedu waxa weeyi karta , tamarta badan ee jidhka ku kaydsan haddii aan la gubin waxa ay isku bedeshaa Dux ama Baruur, taas oo sabab u ah culayska badan. Sidaas daraadeed; waxa haboon in uu qofku yareeyo xadiga tamarta ah ee uu qaadanayo ama uu kordhiyo dhaqdhaqaaqa jidhka, sida jimicsiga, orodka iwm. 

Halkan waxa Bulsha.com uu akhristayaashiisa ugu soo gudbin doonaa tallaabooyin kooban oo lagu yarayn karo miisaanka: 


1. Cabitaanka Shaaha Cagaaran (Green Tea): haddii aanad joojin karayn cabitaanka shaaha, waxa bedel aad ka dhigan kartaa shaaha cagaaran. Shaahani waxa uu gubaa maalintii 70 tamar ah, sababta oo ah waxa uu dedejiyaa dheef-shiidka. 

2. Midhaha Khudaarta: khudaarta cagaaran oo sideeda loo cunaa waxa ay ka wanaagsan tahay, iyada oo la miiro, sababta oo ah galkii ayay leedahay (fiber), kaas oo fududeeya dheef-shiidka. Tusaale, Liinta inta aan la miiran waxa ku jira 60 tamar ah, halka marka la miiro ay isku bedesho 120 tamar ah. 

3. Biyaha ka door-bid sharaabka kale: Biyaha ayaa ka wanaagsan sharaabka, dhinaca miisaan-yaraynta, laakiin haddii aanad joojin karayn cabitaanka sharaabka, isticmaal ka soodhaha leh, sida Sprite-ka iwm. 

4. Kordhi Qaadashada Borotiinka: Borotiinka badan waxa uu yareeyaa duxda/baruurta. Sidaas daraadeed; cunitaanka kalluunka ama beedka ayaa ka wanaagsan cunitaanka hilibka, kuruska iyo baruurta, marka laga hadlayo miisaan yaraynta. 

5. Yaraynta Macmacaanka Cuntada Laga Dambaysiiyo, gaar ahaan kuwa chocolate-ka iyo dufanka leh. 

6. Cuntada oo Saliida laga Yareeyo: Ka yaree saliida, badharka, subagga cunta. Saliidaha ugu wanaagsan waxa ka mid ah Saytuunka. 

7. Yaree Cuntada Aad Qaadanayso: Uma baahnid in aad cunto badan isticmasho saddex wakhti, sababta oo ah waxa mashquuliya hab-dhiska dheef-shiidka, waxa kugu filan in aad 4 ilaa 5 jeer aad cunto cunto dheeli-tiran oo aad u yar.

 8. Jooji Cuntooyinka loo yaqaan (Starchy food): sida Baradhada, ku bedel beeniska, faasuuliyaha, heedda, hadhuudhka, Galayda, Sareenka oo dhammaantood laga helo fiber, vitamin, iyo Iron. 

9. Cuntada Guriga: Cuntada guriga ayaa ka wanaagsan ta suuqa, sababta oo ah waad kaantaroolaysaa cunta gurigaaga lagu samaynayo. 

10. Akhri waraaqda ku dhegan cuntada aad cunayso: si aad u hubiso xadiga tamarta ah ee laga helo ama taariikhda ay dhacayso iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment