Warbixin afar ceen oo kuu horseedi kara in aad isku fahantin xaaskaaga gogosha si aad galmo macaan u sameeso

Bulsha:- Inta aynan u gudo gelin,ka hadalka mowduuceena maanta oo ku saabsan isutagga labada is qabta oo si xalaasha ah isku qaba aan caddayno,in diinteena islaamka aysan jirin wax ay ka tagtay,macnaha wax walba wuu ku dhan yahay,Allah wuxuu yiri: kitaabka (qur’aanka) wax aan ka tagnay ma jiro,macnaha wax walba waa laga helaya (suuradda Al-Ancaam, aayad lambar 38),qofka muslimka ahna ma aaminsana in diinta wixii laga rabana laga qaato,wixii aan laga rabina laysaga tago,Allah wuxuu yiri:kuwa ku kufrinaya Allah iyo rusushiisa ayna doonayaan in ay kala saaraan Allah iyo rusushiisa,waxay leeyihiin:qaar baynu rumayni qaarna weynu diidi (suuradda Annisa’, aayad lambar 150),sidoo kale qofka muslimka ah ma aaminsana in diimaha kale wixii ka icana laga soo qaato wixii aan ka icnayna laga tago,taasi macneheeduna waxay noqonaysa in diinta islaamka aysan dhammaystirnayn oo u baahan kabid,Allah wuxuu yiri:maanta ayaan idin dhammaystiray diintiina,waxaana korkiina idinku taam yeelay nicmadeyda,waxaana idinka raalli noqday islaamka (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 3).

Galmada ama isutagga ninka iyo naagta oo si xalaasha ah isku qaba waxay kordhisa jacayl iyo degganaan,waxay abuurta kalsooni iyo kala danbayn,waxay nafsadda labada qofood gelisaa farxad iyo fayoobi,hayeeshe jugta iyo jacda joogtada ah ee u dhexeeya labada is qaba waxaa sabab u ah waxyaabo fara badan,waxaana ka mid ah:hadduu ninku uusan naagtiisu ka maqsuudin karin dhinaca galmada iyo raaxaysiga,sidoo kalena naagta waa in ay ninkeeda maqsuudisa una raaxaysaa,caalimkii ibnu qayim Allaha u naxariiste,wuxuu kitaabkiisa daawada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu ku sheegay:in takhaatiirta fadliga badan ay caddeeyeen in galmada ay ka mid tahay waxyaabaha uu qofku ku helayo  maad wanaagsan,waxaa kaloo si cilmi ah loo ogaaday in buuqa ama qaylada uu yahay cadowga kowaad ee rabitaanka galmada, qoysaska intooda badana waxaa ka dhex jira qaylo iyo buuq, taasoo hakad gelin karta raaxaysiga labada dhinac,waxaa kaloo la xaqiijiyay in buuqu uu keenayo in galmadii qofka (nin iyo naagba) ay ka yaraato ama in uusan danba ka gelin wax isu tagid ah.

HALKAAN KA DAAWO MUQAAL XASAASI AH 






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment