Bulsha:- Waxaa aad u muhiim ah howsha ku aadan ku guuleysiga xiriirka iy in ay nolosha lamaanayaasha ay ahaato mid farxad ku dheehantahay waana mida laagaa doonayo in aad u dulqaadato una sabarto.
Hadii aad dooneysid in uu jiro isla markaana ahaado mid adag kuna dhisan jaceyl iyo kalsooni xiriirka idinka dhaxeeyo adiga iyo saygaaga, waa in aad qaadataa talooyinkan maskaxeysan ee soo socda si uu saygaaga kuugu noqdo mid adiga kuu gaar ah amaba qaas kuugu noqdo kana fogaado wax walbo oo qayaano ah.
1-Waa in aad ogolaataa saygaaga sida uu yahay, isla markaan aad u muujisaa ixtiraam kana hormarisaa dadka oo idil, maxaa yeelay ixtiraamku waxaa ku dhasha kalsoonida iyo in ay noqdaan lamaanahaasi dad isku go’ay noloshooda xaaskana ay u jeesato wadada wanaaga oo kaliya.
2-Si aad u hesho boontiyada awooda uu leeyahay ninkaaga jaceylkiisa iyo in uu noqdo mid adiga kuu qaas ah, qadari wax walba uu u sameeyo adiga dartaa, kuna amaan xitaa hadii uu sameeyo wax yar hadii aad intaa samayso waxaad noloshiina u soo jiiday farxad.
3-Ahaaw mid maqasha saygeeda, hana noqonin mid ku qeylisa saygeeda xitaa hal jeer maxaa yeelay qeeladu iyo iska hor imaadka waxay dhibaato ku tahay xiriirka.
4-Noqo mid la saaxiib ah ninkeeda kasbana kalsoonidiisa, kadib waxaad noqoneysaa mid uu saygeeda mar walba kaalmeeyo.
5-Ha u dhigin amaba u fasirin hadalka saygaada sida aad u aragto adiga, iskana ilaali mararka qaar ninka ayaa waxaa laga yaabaa in uu arin u arko si qaldan waxaana laga yaabaa arinkaa in ay dhibaato ka imaado taasina ay sabab u tahay Isfahan darada, sidaa darteed waxaa kugu waanineynaa In aad su’aasho saygaaga hadii uu arin kula yimaado wuxuu ka wado inta ay dhibaato imaanin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment