Video: Gabdha Kelida u saaraysa Wiilka uu dhalay Cali Mareexaan iyo Aabaheed oo siwada jir ah ula hadlay Warbaahinta

Bulsha:- Cabdi Xasan Maxamed oo ah Aabaha dhalay  SAGAL Cabdi Xasan oo ah Gabadh  Kelida u saaraysa Wiil ay Ilmaadeer yihiin oo uu dhalay Cali Xasan Maxamed, oo lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan.


Aabaha dhalay Gabadha ayaa wuxuu sheegay in Isaga iyo Gabadhiisu ay Mudo dheer wada deganaayeen dalka Qadar, Wuxuuna sheegay in markii Wiilka Xanuunkan ku dhacay ay noqotay in Qof Qoyska ah uu Arintaan ugu deeqo, Wuxuu sheegay inay Sagal Go’aansatay inay iyadu Kelida u saarto, Wuxuuna sheegay inayna waxba ka Jirin eedaynta laga baahiyey.

Sagal Cabdi Xasan oo dhankeeda ka hadashay Arintaan ayaa waxay sheegtay inay ka Xuntahay Hadalkii kasoo yeedhay Ayeeydeed iyo Awowgeed, Kuwaasi oo shalay warbaahinta u sheegay inuu gabadha Afduubtay Wasiir Cali Mareexaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment