Bulsha:- Waxaa jira arimo badan oo keena qilaafaadka lamaanayaasha oo haddii aan xal loo helin keeni karta in uu bur buro Jaceylka qoyska
1- Dabacsanaan : waa caqbadda ugu horeeysa ee qaboowga ku keeneysa xariirka labada lamaane oo xaraarada ka qaadeysa , waxaa loo baahaan yahay in ihtimaamka uusan daaqadda ka bixin oo labada lamaane sameeyaan dib u dayactir oo mararka qaar wada aadaan safar si waqti iskula soo qataan haddii ay awoodaan.
2- Maseerka : Maseerka wax yaabo yar ayuu ka dhashaa balse waa dilaa aan la ogeyn .
3- Tix Gilinta Oo Yaraata : in qilaafaadka jira in si xor looga hadlo waa caafimaad u wanaagsan qoyska balse haddii yasid iyo bahdilid la socoto waxa ay tani dhaawaceysaa dareemaha jaceyl , waana adag tahay in la iska cafiyo .
4- Dhibaatada Maaliyadda : inkastoo qoysas yar ay arintaan toos uga hadlaan hadana waa dhib jira , cariiriga nolosha iyo bakhiilnimada waa ay keenaayan qilaafaadka qosyska waana muhiim in si wada jir ah loo qorsheeyo xalinta arimahaas.
5- Wadahadlka Oo Yaraada Isla Markaana Adkaato In La Is Dhageysto : si looga gun gaaro isu dheeli tirnaanta xariirka qoyska Masrax.net waxa ay ku leedahay waxaa muhiim ah in labada laamane awood u lahaadaan in ay is gaarsiin kaaraan fikradaha si wanagsan iyadoo midba midka kale uu dhageysanayo , wadahadalka tooska ah ayaa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xalin karo mushkiladaha qoyska.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment