Saaxiibkiis oo lixaad la’ ayuu mudo 3 sanadood ah duudkiisa ku geeynayay Iskoolka (Qiso la yaab leh)

Bulsha:-  Sida uu daabacay wargeyska Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxa Arday 18 jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa maalin kasta muddo Sedex sannadood ah dhabarka ku geynayey fasalka waxbarashada saaxiibkii oo laxaad la’a.

Wiilka curyaanka ah waxaa lagu magacaabaa Mr. Xie Xu waxaana uu qabaa cudur jirkiisa naafeeyay oo wax dhaqaaq ah ma samaynkaro waana cudur dhaxal ah oo xubnaha jirkoo dhan daciifinaya.

Hadaba Xie Xu si uu wax uga soo barto dugsi la yiraahdo Daxu High School oo ku yaal magaalada Jiangsu oo ka tirsan Gobolka Zhang ee dalka Shiinaha ayaa waxaa arintaa ka caawiyey wiil ay saaxiib yahiin oo Iskuulka ay wada dhigtaan.


“Waxba isuma aha, isku qoysna maaha, laakiin ardeyga saaxibkii oo curyaan ah dhabarka kusoo qaada ee magaciisu yahay Shih Shu waxa uu arrintan samaynayey muddo saddex sannadood ah, waana ardayga ugu quruxda badan dugsiga, isagoo waliba tallaabo wanaagsan u horseeday ardayda oo laf ahaantoodu caawiya, waligiina ardeygani fasal kaliya kamuu habsaamin sida ardayda qaarkood ay sameeyaan.” Sidaa waxaa yiri ku-xigeenka maamulaha dugsigaas Mr. Guo Ghunxi.

Wargeyska Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ee arintan wax ka qorey ayaa waxuu sheegay in Warbixin waaxda dalka Mareykanka u qaabilsan xuquuqal-insaanku ay soo saartay taasoo caawisa dadka laxaadka la’a. ayaa lagu sheegay in caalamka oo dhan qiyaas dhan 243,000 carruur ah oo laxaad la’a oo gaarayna da’dii dugsiga aysan goobaha waxbarashada tegin.

Ugu dambeyntii dhacadadan cajiibka ah ayaa su’aalo ka dhex dhalisay dalka Shiinaha, taasoo dibadda u soo saartay xuquuqda dadka laxaadka la’a waxaanay arrintaasi keentay in Zhang caawimo ku helo, saaxiibkiinna u gudbo hammigii ahaa inuu wax ka barto mac-hadka Nanjing Polytechnic Institute.

Waxaa tarjumay: Abdullahi Nur Colombo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment