Qiso soo jeedasho leh oo ka dhacday xabsi ku yaal Sacuudiga: VIDEO

Bulsha:- Magaciisa waa Maxamed Cali Akbar, waxa uu jiraa 50 sano, waxa uuna kasoo jeedaa dalka Bangaladesh, waa xaasle leh 3 caruur ah. waxa uu shaqo usoo doontay dalka Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu soo iibiyay Beer weyn oo uu ku lahaa dalkiisa Bangaladesh, maxaa yeelay waxa uu waligiis ku taami jiray inuu mar uun soo booqdo magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarama iyo magaalada Madiina Al-munawarah.

“Mar walbo waxaan ku taami jiray inaan mar uun tago Sacuudiga, waxaana uu ruux ii sheegay in halkaas laygu diyaariyay sharciga dal-ku jooga (Iqaamo), waxaana gaday Beertii aan lahaa si aan u baxo oo aan usoo arko magaalada Makka, sheeyga 1aad ee aan ku fakarayay waxa uu ahaa inaan diyaarsado Iqaamada si aan u aado Makka iyo Madinah, maxaa yeelay aad ayaan u jeclaa.
قناة I one way ضابط يقبل رأس سجين
Maxamed Cali Akbar, waxaa u suurtagashay inuu tago Sacuudiga, mudo 2 sano ah ayuuna ku sugnaa umana suuragalin inuu tago magaalooyinka Makkah iyo Madinah Almunawarah, waxaana arintaas ay ku abuurtay walaac iyo niyadjab, asigoo arintaas ka sheekeeynaya waxa uu yiri.

“Halkaan waxaan imid 2 sano kahor iimana suurtagalin wixii aan ku haminaayay oo ah inaan tago magaalooyinka Makkah iyo Madinah, arintaas walaac xoogan ayay igu abuurtay iyo inaan iska ooyo, waxaan tuugay ALLAH inuu ii rumeeyo riyadeyda, waxaan aad u jeclaa inaan soo cumreyso soona xajiyo”.

“Ilaa iyo hada ma xajin, maxaa yeelay waxaan rabaa ineey Xaaskeyga ila xajiso, Allah uun ayaa og inaan aadi doono halkaas iyo inkale”.

Intaas kadib maxaa ku dhacay Maxamed Cali Akbar?

ضابط يقبل رأس سجينMaxamed Cali Akbar ma’uusan filaneen waxa ku dhici doona ee uu Allah u qadaray, waxa uu la kulmay shil aad u xun oo uu si layaab leh kaga badbaaday,laakiin shilkaas waxaa ku dhintay darawalkii Baabuurka ay isku dhaceen Baabuurkii uu watay, waxaana lagu xukumay inuu dhiibo diyada darawalkii dhintay oo qiimaheeda lagu sheegay 300 oo kun oo Riyaalka Sacuudiga ah, laakiin ma’uusan awoodin inuu bixiyo lacagtaas waana la xiray, waxa uuna maleeyay in xabsiga uu kujiri doono inta noloshiisa ka dhiman.

“Anigoo wata Gaarigeyga ayaa waxaan arkay Shinbir dhex taagan wadada, anigoo eegaya Shinbirka ayaa waxaa ii yimid oo i garaacay Booliska iguna amray inaan wadada baneeyo, laakiin waxaa horteyda si kedis ah uga soo baxay wiil dhalinyaro ah oo wata Gaari, sidaas ayuuna shilka ku dhacay” ayuu yiri Maxamed Cali Akbar.

Maxamed Cali Akbar, wado kale uma furneen oo aan ka ahayn, inuu raali ku noqdo xukunka ALLAH ee ku dhacay iyo inuu ku samro musiibada ku dhacday, ficil ahaana wuxuu ahaa nin aad u samir badan ahlu diin ah, waxaana jeclaaday oo ka helay dhamaan maxaabiistii kula xirneyd xabsiga iyo xataa ilaalada xabsiga, asigoona Imaam u noqday Maxaabiistii la xirneyd.

Kadib markii uu in mudo ah kujiray xabsiga, waxaa u timid arin la yaab leh oo uusan marnaba ku fikirin ama ku riyoon.

Waxaa xabsiga kusoo booqday Hay’ad madax banaan oo qeyri ah oo Maxaabiista arimahooda daneysa, waxaana loo sheegay in laga bixiyay lacagtii diyada, wixii haatan ka danbeeyana uu xur yahay, asigoona markale dib u dhadhamin doona macaanta xuriyadda.

Maxamed oo aad u faraxsan, ayaa u mahadceliyay raggii kasocday Hay’ada qeyriga ah ee ka dhiibtay diyada, waxaana uu dukaday 2 rakco oo Salaad Sunno ah.

Halkaan ka daawo Qisadan oo dhamaystiran:






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment