Bulsha:- Annalisa Hacklemen, waa Gabar uu ilaaheey ku imtixaanay tin sida raggii oo kale kaga soo baxday wajiga, waxay mudo sanado ah kadib markaan go’aansatay ineey iska xiirto Garka, maxaa yeelay waxeey ka cabsatay in seygeeda uu helo gabar kale oo ka qurxan wajigana tin ku lahayn.
Annalisa markii ay jirtay 13 sano, ayay isku aragtay tin sida raggii oo kale kaga soo baxday wajiga, taasoo markii isbitaalo badan la geeyay si looga daaweeyo, ayaa dhaqaatiirta waxay sheegeen in Hormuunka Ragga uu ku badanyahay jirkeeda.
“Waxaan ku qaatay iyadoo leh Gar, iyada ayaan jeclaan ee tinta ma jecleyn” sidaa waxaa yiri Devid oo ah xaaska Annalisa.
Annalisa oo aan markii hore jecleyn ineey iska xiirto Garka, ayaa markaan fikirkeeda badashay, waxayna iska xiirtay Garka, waxayna hada u ekaatay dumar caadi ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment