Muuqaal: Gabadh ka timid Hargeisa oo Khudbad ka jeedisay Muqdisho, Iyadoo La ilmaysay Calanka Somalia

Bulsha:- Naciima Abwaan Axmed Qorane oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo ka timid magaalada Hargeisa, ayaa Muqdishu uga Qayb gashay Munaasibada lagu soo bandhigayey Buugaagta, ayaa Waxay Madasha ka Jeedisay Khudbad Taabatay Dareenka Bulshada Soomaaliyeed.

Naciima ayaa waxay sheegtay inay ku garaadsatay Burburkii dalka, Waxayna sheegtay in Dawladii madaxwayne Siyaad Barre ay dheefteeda iyo dhibkeeda lahayd, waxayna sheegtay in Soomalidu ay ku xun tahay in hadii Kun-sano aad Xambaarsanaato, oo maalin ay kaa dhacdo, ay Xasuusan doonaan Halkaasi maalin.

Waxay sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah dadkii Dumiyey Dawladii dhexe ee Soomaaliya qaar ka mid ah Xiligan ay doonayaan, Inay Gobolo ku hor ootaan shacabka Soomaaliyeed oo Caadifad ay ku Beeraan.


Ugu danbayntii waxay sheegtay inay in badan Raadin ugu Jirtay Calan Soomaaliyeed, si Karaamo iyo Sharaf ugu Noolaato, waxayna sheegtay in Nasiib xumo ay ku dhacday, Iyadoo Ilmaysay Markaa kadib.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment