Bulsha:- Waxaa siweyn loo hadal hayaa labadii filimka Fitoor wada jileen Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur xiriir qarsoodi ah ka dhaxeeyo.
Sidoo kalena haatan sheekadooda waxaa wax laga ogaaday madaama ay waqti gaar ah ku wada qaadanayaan dalka Mareekanka.
Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur waxay ka mid yihiin kooxda Dream Team Tour ee dalka Mareekanka goboladiisa kala duwan bandhig faneed ku qabanayaan.
Laakiin waxaa la sheegay in Aditya iyo Katrina hal meel isla wada joogaan halka kooxda kale hal meel wada dagan yihiin waxaana xogta lagu sii daray in labadan jilaa waqti walbo isla joogaan aadna ay haatan isugu baxeyso inay is weheshadaan.

Dabcan Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur marka ay gudaha Hindiya kusoo laabtaan saxaafada kama nasan doonaan su’aalo badan iyo sawir qaadis badana waa lagu wareerin doonaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment