Dawooyin Dhacay oo Maanta Lagu Qabtay Dekedda Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Bulsha:- Waxaa maanta Ciidanka booliiska ee ka howlgala dekadda magaalada Muqdisho ay ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan raashin iyo Dawooyin dhacay oo laga soo dajiyay Dekadda magaalada Muqdisho, lana doonayay in magaalada qaab ganacsi loo soo galiyo.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta tagay Dekadda magaalada Muqdisho si ay indhahooda ugu soo arkaan daawooyinka iyo raashinka dhacay ee laga soo dajiyay Dekadda.


Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Dekadda ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabto sharcigana la horkeeno qof kasta oo ku lug yeesha Raashin iyo Daawo dhacday oo Dekadda laga soo dajiyo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment