Kaftanka Kubada Cagta: Yaa Farxad Badan Kubada Cagta & Ciyaarta Sariirta? Busquets Ayaa Ka Jawaabaya

Bulsha:- Mashiinka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets ayaa soo afjaray hadal heynta la isla dhexmarayo ee ah in ciyaarta sariirta ay ka wanaagsan tahay kubada cagta marka la eego dhanka farxada joogtada ah.

Busquets oo la hadlayay El Hormiguero ayaa qiray in kubada cagta ay ka wanaagsan tahay ciyaarta sariirta ah isagoo ku micneeyay in kubada cagta farxadeeda ay socon karto afar ilaa sadex maalin balse farxada ciyaarta sariirta ay ku egtahay oo kaliya – Hal Daqiiqo –

Buqeusts ayaa ku guuleystay sadex koobka Horyaalada yurub ah, Shan horyaal iyo sadex Copa Del Rey mudadii uu ku sugnaa kooxda Bulgarana.

“Dhanka kubada cagta, farxada waxey soconeysaa ugu yaraan sadex ama afar” Ayuu u sheegay Busquets El Hormiguerom, “Ciyaarta sariirta kaliya waa hal daqiiqo”

Sidoo kale Sergio Busquets ayaa ka hadlay xanuunka iyo murugada ay leedahay marka ay guuldaaro kusoo gaarto wuxuuna yiri:

“Kadib kulanka xun waxaad kaliya aadeysaa gurigaada, adigoo xiranaya daaqadaha dhan isla markaana iska ilaalinaya inaad sadex ilaa afar maalin aad banaanka usoo baxdo”

“Jamaahiirta kuma caynayaan maalintaada xun, balse qaarkood ayaa ku xasuusinaya ineysan aheyn maalintaaadii” Ayuu yiri Sergio.

Ugu Dambeyntiian Sergio Busquets ayaa la hadlay saaxiibkiisa David De Gea wuxuuna u sheegay inuu mar walba faraxsanaado isla markaana uu ka warqabo inuu doonayay ku biiritaanka Real Madrid.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment