Bulsha:- Magaceygu waa Hibo kuna nool magaalada Kismayo farxad ayay ii tahay in aan talo soo weydiisto asxaabta ayaamahanews.com ku xeran ayay ku biloowday gabartaan ka sheeganeysa dhibaato dhanka guurka ah .
Dhibkeyga waxa uu yahay , muddo haatan laga joogo sanad ayaa waxa ay waalidkeyga igu dareen wiil iga weyn 10- sano tan iyo markii aan xalaashiisa noqday kuma dareemin wax laab qaboow ah balse taasi badalkeeda waxaan ku dareemayaa cariiri oo waxaan magan u noqday oohin aan kala joogsi laheyn .
Waxa ay arimahas iga yeeleen in aan dareemo in aan ahay qof la qiyaanay marka loo eego da`da wiilka iyo heerka aqoontiisa , dhibka ugu weyn waxa uu yahay in uu uu yahay nin aan waxba u aabayeeleyn danna kama laha sida uu yahay dareenkeyga .
Waa ay ku adag tahay in uu xod-dosho igu sameeyo oo afkiisa maba soo qabto erayada u roon qalbiga haweenka iskaba daayee in xitaa hadiyad 100 kun oo shilin Somali ah uu ii keeno .
Waxana dareemayaa cariiri waxaan mar waliba magan galaa Alle SWT , waxaan u sheegay in uu i furo balse waa uu diidan yahay , waalidkeygana ma rabo in aan niyadda ka jibiyo oo wiilkii ay ii dooreen ka soo hor jeesto balse isaga dhankiisa uu yahay mid aanba jaceylka waxba ka aqoon
Tallo waa tii Alle maxaan sameeyaa , miyaan u sabraa oo aan la noolaadaa nin aan i dooneyn mise waxaan ku adkeystaa go`aankeyga furitaanka ah illaa ugu dambeyn aan helo nin munaasib igu ah oo i fahmaya ina tix gilinaya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment