Garowe: Hooyo 60 jir ah oo dhameysatay waxbarasho Jaamacadeed

Bulsha:- Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa toddobaadkan lagu qabtay xaflad ay ku qalinjabinayaan Arday dhammeesatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda ama (Bachelor Degree).

Ardaydaas waxaa ka mid ahayd Hooyo Safiya Jaamac Garyare oo ah 60 jir oo markii labaad qaaday shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda.

Hooyadan ayaa ka mid ahayd 45 aday oo dhammeysatay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Puntland state university (PSU) ee magaalada Garoowe.

Maamulka Jaamacadda iyo Macallimiinta Jaamacadda PSU ayaa isla qiray Safiyo Jaamac in ay ahayd qof dadaal badan oo aan  marna ka niyad jabin inay ka harto waxbarasheeda, waana tan keentay inay hadda dhammaysato waxbarashadda Jamacadda iyada oo ku faraxsan inay gaartay himiladeedii ay ku taameysay muddo badan.

Si kastaba, sidda laga sheegay munaasabadda Hooyo Safiya ayaa noqotay ardayadii ugu horreysay oo buugga dhamaysa marka loo eego Ardeydii kale ee ay isku fasalka ahaayeen.

“Walaahi mala qiyaasi karo sidda uu yahay dareenkeyga maadama hooyadeey aan jeclahay maanta ka qalinjabisay Jaamacadda PSU, annaga ayey wax na bartay maantana iyada ayaa waxbaratay oo ilaaa heer Jaamacad gaartay waa farxad faraxad kale lagu daray” siddaas ayey tiri Ayaan Maxamed oo ah gabar ay dhashay hooyo .

Sidda ehelka Safiya Jaamac u sheegeen Soomaalikabe.com, hooyadan waxay horrey uga qalinjabisay Jaamacadda Ummadda ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale Agaasime Guud ka soo noqotay wakaaladda dhirta iyo daakha ee dowladii kacaanka.
Hooyo Safiya hadda waxay la shaqeysaa wasaaradda haweenka ee Puntland, waana Hooyo labo gabdhood kuwaasoo iyagana waxbartay oo aqoon leh.

Akhriste, guusha Hooyo Safiya waxay meesha ka saareysaa hadalada Soomaalida ay dhahaan ee ah qof weyn waxbo ma baran karo waa tii horre loo dhahay Waxbarashadu da’ ma lahan.

Haddaba, Soomaalikabe.com waxay Hambalyo u direysaa Hooyo Safiyo guusha ay gaartay iyo dhammaan ardaydii kale ee ka qalinjabiyey Jaamacadda PSU.

Xigasho: Soomaalikabe







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment