Bulsha:- Xidiga 5ta Mar ku guuleeystay laacibka ugu wanaagsan dunida, Lionel Messi ayaa sir u qarsaneed banaanka la keenay kadib markii gabadha Modelka ah ee reer Argentina Xoana Gonzalez ay soo bandhigtay aqoonta ay u leedahay Super Star-ka hogaamiya kooda ka dhisan garoonka Camp Nou.
Iyadoo u warameysa Tv-ga lagu magacaabo Peruvian ayey xaqiijisay iney habeen la seexatay Lionel Messi, balse aysan dareemin habeen u wanaagsan waqtigaas.
“Waxey aheyd sanado ka hor, runtii wuxuu ahaa mid aad u yar. balse wuu ogaa waxa uu sameynaayo. ma aheyn mid yar, taasina waa waxa ugu muhiimsan”.
Messi-a
“Ilaaladiisa ayaa igu yiri – “Ma dooneysaa inaad aragto qof aad taqaanit”, waan yaabay, waana walaacsanaa qofka uu noqon karo, waan hadli waayay, waana dhalaalay markii aan arkay inuu yahay shaqsiga aan taageeraha weyn u ahay ee Lionel Messi”
“Waxaan ku iri waa fulay, sababtoo ah wuxuu iisoo diray ilaaladiisa si ay iisoo helaan. halkaas waxaan ka ogaaday inuu yahay mid xishood badan”
“Waxaan ka hadalnay Music, ma xasuusto hadii uu ii sheegay inuu leeyahay Saaxiib iyo in kale. waxyar kadib waxaan aadnay qeybta uu dhismaha ka daganaa ee Puerto Modero”

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment