Dowlada Jarmalka oo indhashareerka laga mamnuucayo

Bulsha:- Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Thomas de Maiziere, ayaa ku baaqay in qayb ahaan la mamnuuco niqaabka ama indhashareerka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii uu sheegay in ay sharci darro noqonayso haddii gebi ahaanba la mamnuuco indhashareerka.

De Maiziere ayaa telefishin Jarmalka laga leeyahay u sheegay in dowladdu ay dooneyso in sharciyan ay khasab ka dhigto in dumarku ay muujiyaan ama feydaan wajiyadooda.

Arrintaasi ayuu sheegay in ay muhiim u tahay is dhexgalka bulshada.

Hindisahaasi oo u baahan in uu ansixiyo baarlamaanka ayaa ka hor istaagi doono dumarka niqaaban in ay tagaan iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee bulshada iyo waliba in ay gaabuurta kaxeeyaan.

Doodda ku saabsan mamnuucidda niqaabka ayaa kala qaybiyay xisbiga talada haya ee hoggaamiyaha dalkaasi ee Angela Merkel.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment