Denmark oo qaxootiga ka mamnuucaysa in ay guryaha ka baxaan

Bulsha:- Inta badan baarlamaanka Denmark ayaa taageeray qorshe cusub oo qaxootiga wadankaasi ku nool looga mamnuucayo in ay ka baxaan xeryaha qaxootiga. Qorshahaan ayaa qaasatan ku wajahan dhalinyarada qaxootiga ah, oo lagu soo rogayo bandow. 

Ujeedada qorshahaan ayaa lagu sheegay in ay tahay in aysan dhalinyaradaan qaxootiga ah aysan kufsan gabdhaha reer Denmark.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii labo wiil oo qaxooti ah lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen gabdho. 

Qorshahaan ayaa ah mid waali ah oo haddii ay dowlada Denmark ay hirgaliso noqonaya mid nolosha ku adkaynaya qaxootiga.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Denmark ay soo bandhigto sharciyo lala yaabay, iyadoo sanadkii hore dhaqan-galisay sharci ay ku baaranayaan qaxootiga oo wixii dahab iyo lacag ah laga qaadanayo qaxootiga.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment