Daraasad dumarka kacsiga ka batay

Bulsha:- Waxaa jira calaamado badan oo aad ku ogaan karto in ninka kugu xeran balse weli aadan la aqal galin in uu yahay mid kuu qalma iyo in kale, waxa ayna shumis.net ku siineysaa dhowr calaamad oo hadaad aragto il gaar ah isaga yeelo .

1- Maba Xasuusto Wax Yaabaha Aad Jeceshahay : hadii bilooyin ay ka soo wareegteen ama sanad mudada aad isku xeran tihiin oo uusan gacaliyahaaga xasuusaneyn wax yaabaha aad ka hesho iyo kuwo aadan ka helin ee kaa careysiiya hadaba ninkaas ila gaar ah isaga yeelo .

Ma aha ka bad badis in ninka uu daryeelo lamaantiisa oo uu si fog u ogaado wax yaabaha ay ka hesho oo uu xifido

2- Dan Kama Laha Oohintaada Mana Daryeelo Dareemahaaga : waxaa jira rag badan oo aan dhag jalaq u siin oohinta lamaanayaashooda , gacalisada oo ooyneysa ayaysan hadana weydiineyn waxa ku dhacay , waxa uu sugayaa illaa ay ka degto markaas ayuu hadana dood la galayaa , hadaba kaasi kuma anfacayo .

3- Howlihiisa Ayaa Badan Mana Helayo Waqti Uu Kuula Hadlo : shaqada waqti gaar ah ayay leedahay , jaceylkana isna waqti , balse macquul ma aha in maalintii dhan ka mashquulsanaanto marka saaxiboow aan xariifka aheyn kala saar shaqada iyo jaceylka .

4- Dan Kama Laha Saaxibaadada : ulama jeedi in si weyn aad u buun buuniso balse qadari saaxibada lamaantaada .

Hadaba shumis ayaa kuula talineysa gabaryaheey haddii aad arimahaan ku aragto in aad si saraaxad ah wax ugu sheegto gacaliyaagha si uu u badalo dabcigaas.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment