Bulsha:- Laba lamaane oo u dhashay dalka China ayaa arooskooda u doortay inuu u dhaco si ka duwan sida ay dadka kale sameeyaan.
Labadaan lamaane ayaa doortay in arooskooda uu ka dhaco meel u dhaxeysa cirka iyo dhulka oo Buuro korkooda ah oo Buundo ah.
Arooska labadaan lamaane ayaa ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Hunan, waxaana arooskan uu dhacay 9kii Bishan oo ku beegneyd maalinka jaceylka ay xusaan dadka China.
Arooska ayaa ka dhacay meel dhulka u jirta 180 Mitir.
Shacbiyada Buundadan dhalada ka sameysan ayaa kor usii kaceysa dalkaas, waxaana maalin walba ka dhaca aroosyo kala duwan.



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment