Bulsha:- Waardiyihii halyeeyga kubadda cagta David Beckham ayaa soo jawahay xaalad aad u xun, isagoo noqday guri la’aan, wuxuuna hadda ku nool yahay wadooyinka, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha Heathrow.
Viktor Navorski ayaa sidoo kale ahaa jilaa caan ah, wuxuuna qeyb libaax leh ku lahaa filimkii comedy-ga ahaa ee uu waday Tom Hanks ee The Terminal, kaasoo soo baxay sanadkii 2004.
46 sano jirkaan oo soo maray ciidamada qaranka Ingiriiska ayaa hadda isticmaala Simon Jones si uu u ilaaliyo in la aqoonsado, wuxuuna mudo bil ah ku nool yahay garoonka diyaaraddaha caalamiga ah ee Heathrow.
Sababta uu Viktor Navorski u doordibay garoonka Heathrow ayaa ah inay tahay meel amaan ah iyo in uu ka heli karo caawinaad dadka soo degaya iyo kuwa baxaya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment