Bulsha:- Cuntada qofka qaato ayay waxa ay ka mid tahay wax yaalaha lagu daaweeya heerka sokorta shakhsiga. Heerka cudurka sokorta ayay waxa ay ku xiran tahay nooca cuntada aad cuntid. Markastaa waa in aad cabiraad heerka sokorta dhiiga waa in aad samaysid ka hor inta aadan quraacan iyo ka hor inta aadan seexan. Waayo waxa ay kugu kaalmaynaysaa cuntooyinka aad u baahan tahay in aad isticmaashid si ay u yaraato sokortaada ama u sareeyso.
Cuntooyinka la cuno ayaa muhiim u ah xakamaynta iyo daawaynta sokorta qofka uu qabo. Haddaba hadii aad tahay shakhsi qabo cudurka sokorta ama qof qoyskaada kamid ah qabo waa muhiim in aad xakmaysid cunnada uu qaato.
Taasi waxaa sii raaco waa muhiim in qofka sokorta qabo uu ku qeyb qaato hawlo ama shaqo ama ugu yaraan uu sameeyaa aalmiito. Quburada caafimaadka cudurka sokorta ayaa waxa ay xaqiijiyeen daawaynta sokorta ama xakamayteeda ayaa waxa ay ku xirantahay cunnada la cunno iyo aalmiitada la sameeyo.
In kastoo daawaynta sokorta ay u baahantahay daawooyin dakhaatiir kuu soo qoro waxaa haddana muhiim ah in aad cuntid cunto iskudhayla tiran, aalmiitaysid, nasasho fiican heshid iyo nolol murugo la aan ah.
Waxaa halkaan ku xusan cuntooyinka kaalmeeya daawaynta oo muhiim ah in aad ku darsatid cunnooyinka aad cuntid.
Digirta
Digirta ayaa waxaa ay kamid tahay cunnada loo baahan yahay sida badan loogu darsado qorsheynta cunnada qofka qabo sokorta. Waxa ay leedahay ‘anti-oxidant’ kasoo yareeya dufinta ama cholestral dhiiga. Digirta ayaa waxaa kaloo faaido ay u leedahay in ay kahortago sokorta ama yareeyso dhibaatooyinka dadka laga helay astaamaha cudurka macaanka.
Isbinaajka
Khudaarta isbinaajka ayaa ah mid aan ugu fiican in uu ku darsado cunnada qofka qaba cudurka macaanka. Waayo isbinaajka waxaa u leeyahay macadanka jirka u baahan ee ‘magnesium’ kazoo kaalmeeya xakamaynta heerka sokorta jirka isagoo saaidinaayo soo saarida dhacaanka ‘insulin’ iyo isticmaalka ‘glucose’ ee jirka.
Waxaa kaloo uu leeyahay nafaqooyin dhisida jirka faadio u leh oo ka mid ah beta-carotene,lutein, folic acid , vitamin K iyo magnesium.
Tufaax
Tufaaxa ayaa wuxuu leeyahay dhicaan loo yaqaano ‘pectin’ kazoo yareeya baahida jirka uu qabo dhicaanka ‘insulin’ oo keena macaanka iyo sokorta. Insulin ayaa kamid ah waxa keena cudurka sonkorta. Dadka inta badan cunna ayaa waxaa la ogaaday in uu ka yareeyo sonkorta, dhiig karta, wadna xanuunka iyo cuduro kale.
Blueberries, cranberries iyo strawberries
Miraha loo yaqaano blueberries ayaa sidoo kale ah miro wax weyn ka geysta daawaynta iyo xakamaynta cudurka macaanka.Mirahaan ayaa ah mid yareeya dufinta jirka/body cholestral. Waxaa uu kaalmeeya calool waynaashada keenta sonkorta. Sidoo kale waxaa uu keena xasuusta iyo aragtida fiican ee indhaha. Waxaa kaloo zaaid loogu riyaaqay daawaynta murugada iyo cudurada murugada keena sida ‘ Post traumatic disodrder.’
Qofka marwalba isticmaala mirhaan ayaa la sheegay in uu ka yaraanaayo murugada oo u wanaajinaayo xasuustiisa, waxa aragiisa iyo awooda galmada iyo macaanka galmada qofka uu dareemo.
Waxa koloo ay leeyihiin dhicaan loo yaqaano ‘photochemicals’ kazoo la dagaalama cudurka kansarka, wadna xanuun iyo cuduro kale oo badan.
Shaahi rinji waxa uu ladagaalamaa sonkorta ama macaanka waxaana uu xakameeyaa heerka sokorta jirka. Green tea waxaa faaido uu u leeyahay dadka qaba sokorta nooca 2aad waxaano uu ku yareeyaa dhibaatooyinka la xiriiro sida xanuunka indhaha loo yaqaano ‘Cataracts’, xanuunka ku dhaco xididha dhiiga ‘ cardiovascular disease’ iyo dhimis culeyska qofka.
Basbaaska
Sidoo kale quburada cilmi barista Australia ayaa waxa ay ogaadeen cunnista basbaaska cunnda kadib in ay yareeyso heerka sokorta dhiiga. Basbaaska ayaa waxaa uu leeyahay vitamin C iyo caratonoid kazoo kaalmeeya yaraanshaha insulin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment