Bulsha:- Lamaanaha wadaagay guurka Xalaasha ahi iyo nolasha haboon waxay ku Wanaagsan tahay qanacsanaan dhan weliba haba ugu badnaatee in Dumarka lagu qanciyo Sheeko mug leh,Labis heer sare ah, Rajo gelin mustaqbal wanaagsan, iyo Xaalada lagu tilmaamo dagaalka qabow ee ka dhaca sariirta dusheeda.
Xogta lagu kalsoonyahay ee qof waliba uu dareemi kaera waa marka sariirta dusheeda nolosha lagu wadaago iyado daraasad ayaa tilmaameysa in ay tahay gogoldhiga guurka sidoo kale waxa lagu tilmaamaab bandhig ay ku kulmaan labo Jinsi oo lab iyo dhedig ah sida ku cad daraasad kale firaash wadaaga labada jinsi waxaa shukaanta u haya ragga walow ay daraasadu leedahay in dumarka leeyihiin sharaxaada iyo qurxinta ciyaarta oo door muhiim ku leh.
Hadaba dumarka qaarkii ayaa la ogaaday in ay xishood dartii aysan dhag jalaq u siin hanaan wanaaga galmada ee sariirta dusheeda, iyada oo ay ugu wacan tahay dhacdadaasi in ay u arkaan wax ceeb ah in laga hadlo Ha yeeshee waxaa meesha ka baxa kaalinta ay ku leeyihiin ciyaarsiinta raggooda xalaasha ah.
Ugu danbeeyntii xishoodka oo astaan u ah Haweenka Soomaaliyeed waa ifofaale muujineysa mid farxad gelineysa ragga Soomaaliyeed waayo dumarka ugu xun waa tan aan Xishoon oo aan ka sariigan waxyaabaha xun-xun, laakiinse ragga ayaa waxaa la gudboon in ay Xaasaskoodu furfuraan oo aysan xaajadu u noqon keligiis daneyste oo arrinku aanu noqon in dumarku yahay weel wax lagu shubto kaliya.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment