Bulsha:- Lamaanaha waxaa hubaal ah in ay muddo is doon doonid iyo is gaadgaad badan dhexmarayo balse way kala wacantahayoo kala dhadhan wanaagsan xiriirada nuucaas ah.
Sanado ayeey kala maqan yahiin waana lamaane soomaaliyeed kuwooda Alle Dartii u saaxibey una yeeshey xariir wanaagsan si aay u anba qaadaan tubta nolosha iyo aas aaska mustaqbal tayeeysan laguna dhisey jaceyl dhab ah, kalsnooni kaamilan, aaminaad qoto dheer iyo waliba is fahan buuxa oo dhan kastaba ka tafa tiiran.
Danta waa lama huraane sidii wax loo rabay way noqon waayeen waqtiguna waa mid xawli u soconaya, waayahuna waa kuwa aan soo aruurin wax dheef wanaagsan lagu meel mari karo amaba dhab looga dhigi karo riyadii. Laakin waxa aay leeyahiin rajo wanaagsan ayagoo xariga Alle Swt ku xiran ogsoon in ayaamu wareegayaan.
Ma wada joogaan oo danbta ayaa kale irdheeysay in kastoo subax la kala tagayey wacadkii la galay wal raad kiisu qoyan yahay, oo waxa ayba la tahay in ay shalay ka tageen. Qof kasta maankiisa waxaa ka dhismey daaro farxad ah oo aad beey uga maaramayaan mudooyinka soo socda in aay wada joogaan labadooduba.
In kastoo sidaa tahay naftu waxa aay dareentaa cidlo marka ay dibada eegto indhuna qabtaan laba lamaane oo wada socda ama reer guri yagleeley oo laga sheekenayo, haba ugu badnaato marka uu aroos jiro ama la soo hadal qaado, waayo waxa aay naf waliba waydiineysaa nafta kale ‘Hadmaad Imaan Bal Ii Sheek’. ?!!
Hadana markii la is maqlo waxaa soo baxeeysa in aan la kala maqnaadeen ilaa dan iyo daruuf jirto mooyee taasina waxa aay naftooda ku beertaa xasilooni iyo niyad sami buuxda, ayagooba ka dhaxla is dhiira galin iyo isu duceyn labada dhican ah in Eebe ka saaro marxaladaha kale duwan ee labo dal ku kale hoyaadisey.
Mararka waar waxaa soo kala dhax gasha cabsi iyo wal wal waayo waxa aay dadka ka maqlaayanaa hadalo iyo ficilo ku saabsan ‘Inuu Calafku Adeego Ayagoo Ku Walaacsan Armuu Iidnku Soo Guryo Laabtaa’. Hadana waxay helayaan jawaabta ah ‘In Qadarta Alle Swt Wax KaStaahi Ku Suura Galayaan Cidna Joojin Karin, ayagoo is faraya ineeysan dhankooda ka liidin dadaadala lagu doonayo midnimida iyo wada jirkoda.
Kaba soo qabo in rajadii sii daba dheeraatay, culeyskuna sii kordhaya si kale hadaan kuugu qeexana sxb ogoow inaan aduunyada la is wada siin ee nafta kugu jrtaahi tahay mid deyn kugu ah, cimrigaaduna lagu yiri ka faa,ideyso, hadaba si gaar ah, gabadha waxa u saar cadaadis iyo culeys dhan kasta ah ayadoo qaar ka mid ah waalidkeed su,aalayaan ‘Goorma Ayaad Guur Sanaysaa, Waa Gabowdaye’ Laakiin wax saameyn ah oo sidaas u badan kuma reebayaane waxa aay ku tiraa waqtiga ayaa dhimane waxaan sugi maalinteeda anigana.
Waxa aay ogsoon tahay in aanu yareen dadaalka laakin daruufahu badnaayeen ayadooba xataa aan culeys gaar ahaaaneed saarin wiilka, mar kasta oo aay dukatana waxa aay gacamaha kor ugu taageysa is badal Qeyr qaba, ka dhaca guud ahaanba dalka soomaaliyeed kuna dhaca dadka soomaaliyeed oo aay ugu horeeyaan.
Maalin kasta oo madoow waxa ka danbeyn doona maalin farxad badan, rajo kasta oo la sugana maalin ayaa laga daba tagi doonaa, waxaa noloshaba ku raaxeysta qofkii u sabra xananka rafaadka iyo xumaha aadanaha.
‘Ileyn JaCeylku Waa Malab, Waa Macani Iyo Doog, Mar Hadii La Wada Milo, Laga Dhowro Murugada, labaduba waxa aay ka baxsadeen cadow, waxa ay ka dhuunteen dira diraale, waxa aayna ka taqalusiyeen shaki, ayagoo meel cidla ah ugu tagay adeeygada sheydaanka ee aan macnaha lahayn balse mugdiga badan.
Ug danbeyntiina waxa aay haatan joogaan ama marxalada aay ku sugan yahiin ayaa ah noloshaad u tahay hooy,nasteexaad u tahay guur, nadir baad u tahay kow, waa fariin qoraaleed aad u qeymo badnaa oo aay isku diraan, qeyb ka mid ahna iga soo gaartey aniga, adinkana aan idinla wadaagay, runtii aad baanan ugu farxay labadoodaba waxaan wada leeyahay ‘Wada Noolaasho, Wada Jir Xalaal Ah Iyo Waalidkoo Farxa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment