Xikmado muhiim ah oo aad qodabo kasto ka faaideysan doonto sidii Aad naftaada u bari laheyd waxa ay tahay farxada

Bulsha:- Kubbad kasta oo laguugu soo tuuro ha qaban, Waxa aan uga socdaa is bar in aad mararka qaar is dhaafiso waxa lagu yidhi oo aad ujeedkiisa fahamtay isla markaana aanad jeclaysan. Iskaba dhiga marar in aanad maqlayn. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in aad ka jawaabto, is daji jawaabta ka hor. In aad ku jawaabto erey qalafsan, cay ama dagaal ma noqonayso xalkii iyo Jawaabtii midna. Waligaa Khalad khalad ha ku sixin.

– Haddii aad qof la dooddo oo aad dareento in aanu kula heer ahayn dhinaca aqoonta, ama garaadka, Af buuxa ha ku odhan Jaahil baad tahay, isku day inaad si deggen wax u fahamsiiso, haddii kale doodda soo gaabi. Ogow doodda aad la gasho qof jaahil ahi adiga ayaa ay wax kuu dhimaysaa.

– Haddii aad ka duwan tahay qofka xun wax ka duwan samee, wax ka duwanna dheh.

– Afka oo aad ka sheegato aqoonta ama shahaadooyin aad u sidato oo aad la soo baxdaa ma ahaa macnaheedu in aad tahay waxa kuu qoran ama aad afka ka leedahay. Ficil iyo dhaqan aad muujiso ayaa si fudud u sheegaya qofka aad tahay iyo garaadka aad siddaa inta uu leegyahay.

– Rumaysashada warku waxa ay si wayn ugu xidhantahay shakhsiyadda qofka soo tabinaya warka. Haddii aad rabto in aad sheegto war muhiim ah inta aanad gudbin dhowr wado oo kala duwan ka hubi.

– Dadka qaar ayaa u hadla in ay hadlaan uun. Waxa ay jecel yihiin in ay wax ku darsadaan war kasta iyo sheeko kasta, ma eegaan in qofka dhegaysanayaa uu xiisaynayo iyo in kale. Dabcan waa waajib in aynu dadka inala hadlaya dhegaysanno, laakiin taas macnaheedu maaha in aynu wax kasta dhegaysanno, waa in aynu iska joojinaa warka qofku inoo sheegayaa haddii uu macno darro yahay.

– Qofka hadlayaa waa in uu hadlaa kaliya inta warkiisa la dhegaysanayo loona baahan yahay, taasna waxa uun uu ku garan karaa in marka uu hadlayo uu la socdo dareenka cidda dhegaysanaysa.

– Ha u fahmin in hadalka yari uu fiican yahay. Dadka hadalka yar, waxa dhici karta marka ay hadlayaan in ay ka tagaan qaybo badan oo ah war muhiim ah. Qofku waa in uu naftiisa baraa halka ay tahay in uu ka hadlo, sida ay tahay in uu u hadlo iyo muddada ay tahay in uu hadlo, ama mawduuca uu ka hadlayaa muddada uu u baahan yahay.

– Ma bannaana beentu, waa in uu ogaado qofka beenta sheegayaa in mar uun la ogaanayo warkiisuna fashilmayo. hore ayaa ay soomaalidu u tidhi, “Beeni Raad male”. Ma Ogtahay in marka uu qofku been sheegayo laga garto dareemadiisa qarsoon iyo kuwa muuqda sida, Indhaha iyo Wejiga, waana sababta uu Mishiinka Beenta dareema ee boolisku isticmaalaa u garto beenta. (Mishiinkan waxa loo yaqaannaa Polygraph).








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment