Dumarka Soomaaliyeed Raggu Waxey Aad U Nacaan Markey Ku Arkaan Tobankaan Astaamood

Bulsha:- 1-umarku sida qaalibka ah waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xidhiidhadooda , laakiin raggu aad ayay ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan sababta aarintan keentay.

2. Xidhiidhada:

Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu ka hadli waayaan in ay cabiraan dareenkooda ku saabsan xidhiidhada ay la yihiin dumarka, maxaa yeelay haweenku waxay jecel yihiin in ay kala ogaadaan dib u dhaca iyo horomarka ku yimaada xidhiidhada ay la wadaagaan ragga, dhinaca kale raggu waxay doorbidaan oo ay iska ilaaliyaan in ay dumarka kala hadlaan xogaha ku saabsan xidhiidhada ka dhexeeya.

3. Xaqiraada

Dumarku waxay aad u karahsadaan ragga iska indho tira haweenka ee aan siinin wax wax taxadar ah, waxaanay si gaar ah dumarku u jecel yihiin ragga ahmiyada sida gaarka ah u siiya ee u hura wakhtigooda kana sheekeeya sida ay u arkaan xiodhiidhada jacayl ee ka dhaxeeya lamaanaha. La qaata wakhti ay u waramaan dareenka gaarka ah.

4. Amaanta

Dumarku waxay aad u neceb yihiin in ay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo amaanay gabadh kale oo aan iyada ahayn

5. Beenta

Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu been u sheegaan sababtoo ah ragga intiisa badani waxay aaminsan yihiin in dumarka been loo sheego si ay u soo xero galiyaan oo ay u hantiyaan qalbiyadooda.

6. Nadaafad darada

Dumarku waxay aad u karahsadaan ninka nadaafada xun, waxaanay jecel yihiin in ay indhahoodu arkaan nin labisan oo ay nadaafadiisu fiican tahay jidh ahaan  iyo labis ahaanba.

7. Xidhiidhada Hore

Ma jecla dumarku inay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo ka sheekaynaya tirada dumarka uu la soo qaatay xidhiidhadho hore iyo noocyada dabeecadahoodaba.

8. Hadafyada Qorshayaasha Mustaqbalka

Haweenku waxay jecel yihiin  ninka samaysta ama qorsheeya jaangoynta nolosha mustaqbalkiisa had iyo jeerna kala tashada sida ay noqonayso noloshiisa mustaqbalku.

9. Kaantaroolida

Dumarku waxay ka diiqadoodaan ninka adadag ee had jeer isku daya in uu cabudhiyo ama kaantaroola ee jecel in wax waliba ay u dhacaan sida uu doonayo. Dumarku waxay jecel yihiin in ay noqdaan hogaamiye jecel kasbashada dhagaha ninka.

10– Kalsooni Darada

Dumarku ma jecla ninka had jeer isku daya in uu ilaaliyo ee isku mashquuliya in uu ogaado talaabo kasta oo ay qaadayso, iskuna taxalujiya in uu ogaado cid kasta oo ay la hadlayso, taas oo ay dumarku u arkaan kalsooni daro ninka la soo gudboonaata







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment