MUUQAAL: Arooska Nimco Dareen Iyo Axmed Weli FURINLE oo Buuq dhaliyey Iyo Reer Hargeisa oo Weeraray Jig-jiga

Bulsha:- Fanaanada Nimco Dareen ayaa la sheegay inay is Guursadeen Axmed Weli Furinle oo ah Muusikiiste Caan ah, Kana mid ah Kooxda Xidigaha Geeska ee magaalada Hargeisa, Iyadoona Arooskoodu ka qabsoomay Magaalada Jigjiga.


Arintaasi ayaa waxaa Siyaabo kala duwan Uga hadlay Dad badan, Iyadoona Qaarkood ay eedaymo kulul usoo jeediyeen Fanaanada Nimco Dareen, Maamulka Somaalida Itoobiya, Fanaan Iskalaaji iyo Hodan C.raxmaan oo ay sheegeen inay Burburin ku sameeyeen Kooxdii Xidigaha Geeska, Halka qaar kamid ahna Ay Taageero iyo Hanbalyo u Muujiyeen.

Nimco Dareen oo Jawaabaysa Falcelinta ay Bulshada kala Kulmeen ayaa waxay Tidhi “Mashquulka iyo Aflagadadaba Hala Yareeyo, Intii Hambalyada Nooso dirteyna waanu ka Gudooney, Dadka Kale e Bilaa Camalka ahna Yeynaan isku Habsaamin ayaan leeyahay Asxaabey” Ayay Tidhi Nimco dareen.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment