Mo agtahay qaadka inuu sidan raga ku sameeyo

Bulsha:- Mo agtahay qaadka inuu sidan raga ku sameeyoWaxaa jira daraaso badan laga sameeyo qaadka ama jaadka waxyaalaha jirka uu ku sameeyo, kitbaabka Althabaat fii xadri alqaat  الثبات في حظر القات  waxaa qoray qof soomaali ah oo baaritaan rasmi ku sameeyay qaadka buuggan wuxuu ku qoran yahay afka carabiga waxaad ka heli kartaa isagoo pdf ah internetka waxaa qoray  Abuu Abdirahmaan Assomali. wuxuu ku soo arooriyay waxyaalo badan uu qaadka ku sameeyo qofka waxaad ka heli kartaa akhriska caadiga ah halkan

waxaa ka mid ah dhibka uu leeyahay  dhiigdaro wuxuu kaa xiraa cuntada mindhicirada ayuu dhib weyn u gaysanayaa, wuxuu dadka ka mashquuliyaa salaadda, wuxuu burburiyaa ilkaha iyo gowsaha, qaadka qaarkii wuxuu ragga ku ridaa cuduro badan oo kala duwan, waxaa kuu sii dheer inuu maskaxda kaa qaado oo bulshada uu fasaahdiyo, immisa naag loo soo furay qaadka dad badan ayaa laga yaabaa marduufka inuu ka doorto marwadiisa, marduuf oo maanka kaa tagsiinaya miyaad ka dooranaysaa marwo oo raaxada nolosha ah.

waxaa kaloo la sheegaa ninka inuu kacsiga ka qaadi doono, biyahiisa inay iska soo daadan iyagoo aan adkayn isagoo biyabax xitaa gaarin.

Sigaar iyo qaadka yaa daran?

labada wax isma dhaamaan waa sida xaarka iyo kaadida, aad bay u burburiyaan hanti qofka iyo caafimaadkiisa, haddii aad rabto inaad ku noolaato nolol fiican oo raaxo leh waxaad ka fogaataa bwladda oo dhan, waayo haddii jaad iyo sigaar aad barato waxaad raadinaysaa khamro iyo daroogo, waxaa laga yaabaa inaad tuug noqoto sidii aad u heli lahayn, waxaa la sheegaa tuugada badankooda inay balwad leeyihin.

Dumarka iyo ragga yaa u badan balwadda?

way iska caddahay ragga ayaa u badan balwada laakin way jiraan dumar badan oo adeegsada balwadda waxaa la sheegaa naagaha waxay ka bartaan balwada saaxiibkooda, ninka ayaa inta badan bara, ileen haweenka dabeecddooda ma aha inay waxyaalahaas oo kale ku dhaqaaqaan, naag balwad leh waxay noqon kartaa dhilo, dhilooyinka badankooda balwada ayay leeyihiin, waxaad dhihi kartaa ma jirto sharmuuto aan balwada lahayn, dumarka soomaali aad bay ugu yar yihiin kuwa balwadda leh.

ma layska joojin karaa qaadka?

jawaabta waa haa wuxuu rabaa keliya go’aan adag haddii aad la timaado go’aan adag waad kahari kartaa qaadka iyo sigaarka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment