Hadaad Xaas fiican Tahay Waxaa Daliil Kuu Noqon Karo Inaad Leedahay Afartaan Astaamood

Bulsha:- Had iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan gabadha Marwada ah. Hadaba gabadha marwada ahi waa tee? hadaad waydiiso dadka oo aad u kuurgasho, qof waliba si gaar ah ayuu u qeexaa oo ay ula muuqata xaaska wanaagsan ee marwada ahi. Laakiin hadana waxa jirta dhawr arrimood oo ay dadku ka siman yihiin oo lagu sifeeyo xaaska marwada ah ama hawl karka ah ee qoyskeeda ku filan. waxaana had iyo goor lagu faaleeyaa inay lahaato arrimo dhawra. Hase ahaatee waxa ugu muhiimsan afar arrimood oo deeqa Afar ka mida lixda laxaad ee dadka.

Hadii laga helana waxa lagu tilmaama inay xaaskaasi tahay marwo qaaliya oo ninkeedana hanan karta oo ay adag tahay inuu meelo kale eego ma ku jeesto. Hadaba akhristoow Afaratan arimood kuwee ayaad u malaynaysaa? Hadaba waxba adiga oo aan maskaxda daalin oo aan ka daydayin hadaynu bal soo halkan ku soo qaadano waa sidan:-

1-Dhegaha:- dhegahu waxay ka mid yihiin dareemada uu illaahay ina sameeyey kuwa ugu qaalisan. Isla-markaana aynaan ka maarmi karin. Sidaa darteed marka aynu dhegaha leenahay waxa looga jeeda in gabadhu mar walba lahaato oo ay la timaado hadal macaan, debecsan oo cajab galiya dhegaha ninkeeda iyo dadka kaleba. waa inay wax ka taqaana hadalada soo jiidashada leh, waayo maahmaah somaliyeed ayaa tidhaahda “Marwo hadal xun, maan-gab ninkeeda maqasha baa dhaanta”

2-indhaha: – Indhahuna waa dareen ama laxaad aad u mihiima waayo waynu wada ognahay la,aantooduna dhibaatada ay leedahay. Hadaba gabadha waa qayb ka mida arimaha lagu tilmaamo xaaska wanaagsani inay tahay mid indhaha ninkeeda iyo kuwa dadka kaleba deeqda. waa inay ilaaiso nadaafada gurigeeda, carruurteeda iyo ta nafteedaba. Waayo haddii gabadhu noqoto mid basari ah cidna ma raali galin karto oo indhahii ayaa diidaaya muuqaalkeeda ama ka guriga ay dhex joogto ee bah-dilan. iyadoo laga yaabo gabadhaasi inay tahay qof aad u wanaagsan dhinaca dabeecadaha kale hadana dabcan saamayn wayn ayey ku yeelanaysaa arrintani shaqsiyadeeda iyo ta qoyskeedaba. Waayo ragu waxay aad ugu farxaan marka ay yimaada guryahooda inay la kulmaan jawi qurux badan iyo caruurtoodii oo qurux badan markaa si rasmi ah ayey ugu nastaan guryahooda. iyadoo rag iyo dumarba ay jiraan qaar aan dhinaca nadaafada ku fiicnayn, hadana tani waa arimaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo afada marwada ah.

halkaan ka daawo muuqaalka






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment