Fariin Jaceyl Oo Sasabasho Ah , Qofkii Loo Diro Durba Wuu Aqbalayaa Jaceylka Laga Codsaday

Bulsha:- Ma rabo inaad i dhahdo hadalo wareerinaayo qalbigeyga islamarkaana u sii kordhinaayo duufaanta caashaq igu filan inaad i dhahdo waan ku jeclahay ereygaas waa midka leygu duugaayo aniga.

Indhahaaga fariimada ay bixinaayaan markaad igu eegto wadnaheyga si dhaqsi leh ayuu u garaacmaa,waxaana ka cabsadaa inaan indhaheyga aan kuu sii dhameystiro, xataa daymada indhahaaga waxey bixinaayaa astaamo waali ah,weyna i ixtiraamaan waxaana jirta saacado aanan qofkale arageyga soo qabaneynin.Waan kuu dhintaa xabiibi, waadna i sidataa.

Ii ogolow inaan ku iraahdaa nafteyda iney la kulan tahay qof cajiib ah qofkaasna waa adiga, waxaan garwaaqsaday sida aad ka ah ee aan kuu jeclahay iyo macnaha weyn ee aad iigu fadhido iyo sida weyn ee aan kuugu baahanahay adiga.

Waxaan dareemaa tash markaad isoo fiiriso,waan ku jeclahay,waayo waxaad tahay iftiinkii arageyga waana kuu xiisay,ku talogal inta nafi igu jirto waan kuu sidi doonaa laamaha caashaqa.
Imisaan ku baadi goobaayey aragtidaada? Mana helin meel aan ku nasto oo aan naxariis ka helo ilaa laabtaada maahe, markaan kaa maqanahayna waqtiga oo dhan ayaaba istaaga.


Ereyadu ma sharaxi karaan waxa aan dareemaayo,dadka badankood nama fahmaan,laakin anaga waxaan leenahay luqad aan isku fahano oo inoo gaar ah,Masrax.net, waxaan ahay labo isku wanaagsan, sikastoo aan isku dagaalno wey isku keen soo dhaweysaa waxeyna sii kordhisaa qalbiyadeena.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment