DAAWO: Madaxweynaha Somalia oo furay tartanka K/cagta ee maamul goboleedyada

Bulsha:- Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Tartanka Ciyaaraha loogu magac daray Maamul goboleedyada, kaasoo ay ka qeyb galayaan illaa lix kooxood oo ku ciyaaraya magaca maamulada ka jira dalka.

Tartankan oo si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Isboortiga iyo Dhalinyarada, Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya iyo Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa la qabtay.

ciyaaraha-gobolada-1
Inkastoo tartamadii hore loo dhigi jiray ay ahaayeen kuwo gobol walba uu magaciisa ku matalayay, hadana waxaa hal magac ku ciyaaraya maamul dhowr gobol matala.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay tartankan oo markii u horeysay uu marti gelinayo Gobolka Banaadir.

Xulalka ciyaartoyda Gobolka Banaadir iyo Koofur Galbeed ayaa lagu daah furay kulankii u horeeyay, waxaana ciyaartan oo ka dhacday garoonka Stadium Koonis ay aheyd mid xiiso laheyd oo ay dad fara badan u soo daawasho tageen.ciyaaraha-gobolada-6
Ciyaartoyda ku ciyaareysay Gobolka Banaadir ayaa waxay guusha ku raacday 5-0, iyadoo ay ciyaartoyda Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanaagsan.

Kooxda ku ciyaareysa magaca Gobolka Banaadir ayaa waxay 3-dhibcood ku heysaa Group A oo ay ku wada jiraan Koofur Galbeed oo aan wax dhibco laheyn, iyo Puntland oo aan wali wax ciyaar ah dheelin

Maalinta berri waxaa ciyaari doona Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo hal koox ah iyo kooxda ciyaartoyda Jubbaland, waxaana ay ku wada jiraan Group B, iyadoo kooxda 3aad ee Group-kaas ku jirta ay tahay Galmudug. 





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment