Bulsha:- Muddo toban sanno ku dhawaad ah ayaa khubaro u dhalatay dalka Kanada oo baaritaan ku hayey nooca ragga ee dumarku ka helaan, ayaa ogaaday in ragga hadalkoodu yar yahay ee kelmadaha gaagaaban adeegsada ay soo jiitaan, isla markaana hantaan qalbiga haweenka, iyadoo dumarku aaminsan yihiin in hadal yaraantu tahay astaan muujinaysa ragganimada qofka ama ninka,Heegan24.net.
Haweenka oo celcelis ahaan hadalkoodu ku soo labanlaabmayo ragga, ayaa maskaxdoodu u samaysan tahay in hadalku si xawli ah u socdo, iyagoo khubaradu sheegay marka haweenaydu la kulanto nin hadal badan waxay aaminaan in aanay ragganimo weyn lahayn, mana daneeyaan, halka ragga hadalka yar ay dumarku aad ugu dhego nugladaan.
Cilmi-baarayaashan reer Kanada oo baaritaan ku hayey sidoo kale codka ragga, kelmadaha ay isticmalaan iyo lahjahadooda, ayaa ogaaday in haweenku u joogsadaan ragga aadka u hadalka yar ee kelmadaha miisaanka badan isticmaala.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment