Xildhibaan Gurigiisa lagu wareeraray oo Xaaskiisa uu Dhaawac kasoo gaadhay

Bulsha:-  Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in xaley weerar BAMBO lagu qaaday gurri uu deggan yahay xildhibaan Shaacir Maxamed Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Goobjoogayaal ayaa usheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen labo qof oo ay ka mid tahay xaaska xildhibaanka, waxaana la sheegay Xildhibaanka inuu ka badbaaday weerarkaas sidda ay ku soo warramayaan dadka deeganka.

Weerarka kaddib waxaa goobta gaaray ciidamo fara badan kuwaasoo baaritaano ka sameeyay gurriga uu deggan yahay xildhibaan Shaacir, Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeesa in la weerarro gurriga uu deggan yahay xildhibaanka Shaacir.

Bishii horre ayaa siddan oo kale Bambgacmeed lagu weerarray gurriga uu deggan yahay xldhibaab Cabdifataax Nuur Mataan oo isna ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment