Al Shabaab oo Soo Bandhigay Dagaal ay Ciidamada Dowladda kula Galeen Shabeelaha Hoose (VIDEO)

Bulsha:- Ururka Al Shabaab ayaa Soo Bandhigay dagaal ay  la galeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaliya oo ku sugnaa tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Muuqaalkan Video-ga ah ayaan lagu sheegin goobta uu dagaalka ka dhacay iyo waqtiga uu dhacay intaba, iyadoo ay ku soo bandhigeen ciidamada Dowladda oo ka cararaya Fariisimihii ay ku sugnaayeen.

Ururka Al Shabaab ayaa marar badan weeraray ciidamada Dowladda ee ku sugan tuulooyinka ku yaala gobolkaasi, iyagoo ciidankani ay san ahayn kuwo aad u hubaysan, iskana difaaci kara weerarada abaabulan ee ay Shabaabku ku soo qaadaan.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment