Weligaa ha iloobin Arimahaan Aad Bay Kuu Anfacayaa arimaha galmada

Bulsha:-  Waa markale iyo qodobadii jaceylka ahaa ee aad aalaaba nooga barateen inaan isbuuciiba mar idiin sooo gudbino maantay qodobadeena hal meel kama wada hadli doonaan. Hadba meel beey uqaabaa dhici doonaan, waaayo jaceylka ayaa habab badan leh.

Runtii jaceylka in badan horaa looga soo hadlay, abwaano badan ayaa kasoo hadlay. Dhinac walba oo jaceylka ka yimaado waa laga soo hadlay, inkasta oo jaceylku mararka qaar uu wato nolol adag iyo murugo, ayaa hadana waxa uu  inta badan wataa farxad aan dhamaad laheyn. Sidaa darteed, waxa aan kuugula talinayaa aqristoow weligaa ha eedeyn maalmaha wanaagsan. Waayo, waxa aad kaheleeysaaa farxad, mar kale ha eedeyn maalmaha xun ee murugada ah ee kusoo maro, waayo qibrad iyo waayo aragnimo ayaad ka qaadeysaa. Sidaa awgeed labada waqti midna ha eedeyn sababtoo ah waa wax nolosha kamid ah oo Allah kor ahaayee dunida ka yeelay. Weligaa haka fikirin waxa aad lumisay, kafikir waxa aad hadda hayso iyo mustaqbalkaaga danbe.

Aan udaaadagno nuxurka qormadeena iyo qodobada todobaadka.

1: Madoooneeysaa in aad ogaato inta aan kuu xiisay? Xabiibi, isku celi neefta, ha neefsan illaaa intaad awoodo inaad isku celiso neefta, marka aad cabaar isku celiso oo aad dareento in intaaa ka badan aanad neef la’aaan sii joogi karin, neefso kadib. Iswaydii in intee la eg ayaad uxiistay neeftaas? Anne intaaas in lamid ah ayaan kuu xiisay. Hadi aanad neef la’aan noolaan karin ogoow aniguna la’aantaa ma noolaan karo, e.

2: Adiga la’aantaa waxaan dareemayaaa kelinimo iyo nafteyda in ay badh tahay oo wax badan ka maqanyihiin. Xad dhaaf baan kuugu xiisayaaa, biyaha roobku dhulka way ka qalali karaan, geedka caleentiisu way qalali kartaa,
iftiinka shumaca wuu dhamaan karaa, balse jaceylka aan kuu qabo ma dhamaan karo inta nolosheyda ka harsan.

3: Noloshayda waxa aan jeclahay 3 shey, waa qoraxda, dayaxa iyo adiga. Qoraxdu waxa ay ii iftiimisaa maalintii wan jcelahay, dayuxu wuxuu ii iftiimiyaa habeenkii waan jeclahay, adigu waxa aad iftiimisaa noloshayda dhamaanteed sidaa darted waan ku eclahay inta aan noolahay.

4: Dad badan nolosheyda waa gudo galeen, dad badan xiriir waa na soo dhex maray, laakin weli ma aanan la kulmin qof adoo kale ah, kaasoo taabta wadnaheyga muruqa aan daalayn ka sameysan.
5: Runtii macaaneey, anigu waan ku jeclahay, hadana aniga waan ku dhaawacaa, haddana waa aniga qofka uhoreeya ee fahmi kara dhaawacaada dhayistana kubilaaba. Runtii dayuxu xalay wuxuu idhahay qofkan aad ku daashay ee aad fariimaha udirto hadii uu kuu soo jawaabeyn maad iska deysid. Dayaxa inta aan fiiriyay ayaa waxa aan ugu jawaabay adigu cirka maka tagi kartaa oo dhulka ma kasoo bixi kartaa. Aniguna waxa aan ahay sidaada oo kale, jaceylkeyga in aan katago qof kale uma wareegi karo, adiguba sida aad ugu wareegi darin dhulka.

6: Hadii aad inecebtahay igu toogo falaar, balse maahan wadnaha meesha aad iga tooganayso. Waayo, halkaas waa meeesha aad ku nooshahay, kuna noolaan doonto inta aan noolahay.

7: Maskaxdeyda qeybta xusuusata ayaa iweeydiisay waa maxay sababta aad mar welba ugu taxadarto lamaanahaaga, aad ugu xiisto oo haddane aad uxasuusato si joogto ah. Waayo, waxa aan arkay marnaba in aanad wax kale xusuusan oo aan lamaantaada/lamaankaaga ka ahayn. Inta aan ujawaabin ayaa wadnahu u jawaabay oo dhahay “waa lamaanaha anigaba gudaheyga ku dhexnool, diiday inuu meel ugu baxo ama waqti siiyo cid kale”.

Intaas ayaan kusoo gabagabeyneynaaa qoddobadeena todobaadka. Inta aan dib ugu kulmi doono qodobada soo socdo, ayagana aan uga hadli doono erayo kulul oo ka duwanaan doono kuwaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment