Weli Ma Is Weeydiisay Maxaa Ugu Kheyr Badan in Bini’aadamka La Siiyo Ama Aay Hantiyaan.

Bulsha:-  MAXAA UGU KHEER BADAN IN BINI’AADANKA LA SIIYO ?

Nin la oran jiray Xabiibul Jalaa, ayaa wuxuu weydiiyey Ibnu Mubaarak, Maxaa ugu Kheer badan wax la siiyo Insaanka (Bini’aadanka)?.

Ibnu Mubaarak wuxuu yiri:- Waxaa ugu kheer badan Caqliga wanaagsan oo wanaaga ku fara, Xumaantana kaa reeba.

Kolkaas ayaa la yiri :- Kaas haddii la waayana?

Ibnu Mubaarak wuxuu yiri:- Aqlaaq Wanaagsan.

Misana waxaa loo raaciyey:- bal ka waran Kaasna haddii la waayo?

Ibnu Mubaarak wuxuu yiri:- Walaal Wanaagsan oo Samaha kugula Taliya.

Weliba waxaa la yiri:- Kaasna haddii la waayo, ka waran?

Ibnu Mubaarak wuxuu yiri :- inaad iska Aamystid oo aadan hadlin.

Haddana waxaa la yiri:- Taasna Haddii la waayo, Maxaa la sameynaa?

Ibnu Mubaarak wuxuu yiri :- Taas haddii la waayo Iska Dhimo, ileen Nolosha wax kuuma tareyso.

Haddaba, Xikmadda ka dambeysa hadalka Ibnu Mubaarak wuxuu yahay Waddada Xaqa ah Ee uu Rabbi Raaliga ka yahay haddii aan leys Fareynin, Xumaantana aan Leyska reebeynin Nolosha qiimo kuma fadhido, ee Dhimashada ayaa dhaanto.

Wabillaahi Towfiiq.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment