Dardaaran Qiimo Badan Oo Ku Socdo Dhalinyarada Kuwooda Jeceyl Iney Hantaan Janada Maalinta Baahida..!!

Bulsha:- WAANADEYDA QAADO. Adoonti Allaay, Ogoow in Adduunka Marti lagu yahay oo laga tegi doono, loona socdo Meel aan weligeed la dhimaneynin, lehna Janno Barwaaqeysan oo Allaah Barakeeyey, iyo Naar lagu Cadaabo Sheydaan iyo intii u Hoggaansantay, Hadaba, Walaasheeydiyeey, Ogoow waxaad Liibaantay:-

1- Markaad Adeecdo Allaah ee aad Xijaabka Xiratid.

2- Markaad ka Adkaatid Waswaaska Sheydaanka.

3- Markaad u Hogaansantid Waddada Xaqa ah Ee uu Rabbi Raaliga ka yahay.

4- Markaad Baari u noqotid Labadaada Waalid iyo Ninkaaga.

5- Markaad Iimaankaaga Adkeysid ee aad ku Samirtid Dhibaatada Adduunka.

Haddaba, Fadlan Walaasha Muslimadda aheey la Saaxiib Dumarka wanaagsan ee Allaah dartiisa u Asturay jirkooda, kana Har kuwa Baadiyeysan ee Allaah Waddadiisa ka weecday.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment