Waxay Iga Tagtay Anoo U Baahan, Waxay Ii Soo Laabatay Anigoo U Baahneyn (Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan)

Bulsha:- Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xamaasad leh ah.

Waxaan ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary School oo ku yaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Kariima ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku soo duba-rideen barnaamij si wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka oo idil.

Intii uu barnaamijka socday ayaa waxaan maqlay dhalinyaro fara-badan oo oraneysa (gabadha Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa), durbaba waxaa anna go-aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi, nasiib wanaag sidii ayaa dhacday oo Kariima waxaa isku baranay barnaamijkaasi oo uu soo qaban qaabiyay fasalkayga, waxaana Kariima ka qaatay teleefanka guriga ama Landline ka ah oo ay laheyd.

Kariima waxaanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya, anna waxaan dareemay in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana waxaan ka dareemay in ay i dooneyso, bacdamaa sida ay igu warami jirtay, si aysan ugu waramin qeybaha kale ee bulshada, waxaana xilliyada qaarkood aadi jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.

Waxay Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar sano, isla xilligaasi dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq Jaamacadeed, xilli aan ku mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha, ayaa waxaa habeen habeenada kamid ah i soo wacday Kariima waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay la-doonaayaan wiil joogga Boqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw yihiin, isla-markaana wuxuu hadalkaasi uu igu noqday mid layaab leh, deetana waxaan ku iri taasi shaqadeedu maaha ee adiga ayay kuu taallaa, kadib waxaan ku jaray teleefankii.

Cabaar ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday, waxayna ii sheegtay in ay qalad iga gashay, waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii raacisay in aysan nin kale naagtiisu noqoneyn aniga maahee, deetana waxay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.

Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.
Kariima ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso, waxaana ku iri adiga ayay tallo gacantaada ku jirtaa, kadib waxaan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxaana waxbarasho u soo doontay dalka Shiinaha, maadaama aan ka helay deeq waxbarasho, markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaan maqlay in la-guursan rabo Kariima, hase ahaatee maanan deg degin oo waan is-dejiyay.

Waxaan khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii ay qaraabada ahaayeen, isla-markaana waxay ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan tahay, anna waxaan ku iri, maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha iskukiin barakeeyo, sidaasi ayaanu ku kala tagnay, ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u sii ka xeystay xaaskiisu.

Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Amal, waxayna ii sheegtay in ay Kariima qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro,
muddo kadib sidaan isku xiriirineynay Amal, ayaa waxay Amal ii sheegtay in ay wax kasta oo ay ila qaban karto ay ila qabato, muddo kadib ayaa waxaanu isku af-garanay in aanu isguursano.
Inta uusan guurkaynu dhicin ayaa waxaan maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala tageen, isla-markaana Kariima ayaa waxay maqashay in aanu wada socono Amal, mar dhawna aanu aqal gelli doono, hase yeeshee si weyn ayay uga maseertay, kadib waa ay ila soo xiriirtay, iyadoo joogto dalka Ingiriiska, waxaana u sheegay in aan Amal guursan  rabo, waxaana u sheegay haddii ay diyaar tahay in ay kasoo qeyb gelli karto guurkeena oo ka dhici doono Boorame, wayna iga aqbashay.
Waxaan tagay magaaladda Boorame si aan ula soo aqal-gallo Xidigta aan makan dunida ujeclaaday waa Amal-e, sidoo kale Kariima ayaa iyana soo gaartay Boorame, si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo Amal, waxaana ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkeena, balse waxaan la-aqal gallay Amal.

Intii aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga codsatay in aan guursado anigoo qaba  Amal, isla-markaana waxay ii sheegtay in ay si-weyn ii jaceshahay.

hadaba akhristayaasha sharafta leh ee ku taxan Shabakada Arimaha Bulshada ee shumis.net waxaan ka codsan lahaa in ay arintaan igala talliyaan, maxaa yeelay  Amal si weyn ayaan u jeclahay, saa waa xaaskayga, Kariimana si weyn ayay ii dooneysaa ileen iyadaa i jacel.Akharistoow Taladaadu waa ii Muhiim









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment