Qiyaana Dumar Marna Ma Dhamaato (Qiso Jaceyl Dhab Ah+Xanuun)

Bulsha:- Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Abdulhakim iyo Canab , Abdulhakim ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid murugo xamabarsan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag, halkaasi ayaana kusoo barbaaray, kuna soo wax bartay, isla-markaana gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Canab ee waxaanu isla wada degneen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Canab waxay kamid ahayd hablaha degmada Howlwadaag ee sida gaarka ah aan u xiiseen jiray, inkastoo ay dadkaasi oo dhan ay Canab iga dhaweyd, waxaana jeclaan jiray inaan markasta la-sheekeysto, la-kaftamo, la-qoslo, waayo waxay ahayd gabadha kaliya ee dhex degtay qalbigeyga.
Muddo kadib ayaa waxaan dareemay inaan jaceyl culus u qabo Canab, hadana waxaan kari waayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, aniga oo ka baqdin qabay inay igu tiraahdo “Iga Raali Noqo Waxba Kuma Qaban Karaayo, Ama Waxaa Tahay Walaalkey ee iga xishoo”, taasi ayaa waxay keentay inaan jaceylkayga sheegan kari waayo.

Waxaan fursad shaqo aan ka hellay dalka Koonfur Afrika oo ay ku noollaayeen wiilal ila dhashay, sidaasi ayaana ku imid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ka xamaasho, laakiin markaan muddo joogay Koonfur  Afrika ayaa waxaan xiriir gaaban aan la-sameeyay Canab oo iyadu iskaga soo tagtay magaaladda Muqdisho, waxayna markaasi ay ku sugneed magaaladda Nairob ee dalka Kenya Xiriirkeena ayaa wuxuu ku dhisnaa Internet iyo Teleefan, hase ahaatee waxaan aad u badiyay xiriirkayni, waxaana muddo kadib aan u soo bandhigay inaan jeclahay, nasiib wanaag waxay igu soo dhaweysay gacmo  furan.

Waxaa aniga iyo Canab inoo bilowday jewi ka duwan kii hore ee baqdinta ku dhisnaa, waxaana kala helnay kalsooni balaaran, waxaan noqonay laba ruux oo ay si weyn iskugu baxdo, waxaana xilliyada qaarkood aan ka sheekeysan jirnay markii aan joognay degmada Howlwadaag iyo sida aanu isu xiiseen jirnay
Canab waxay noqotay gabadha kaliya ee aan markasta ku taami jiray, ku faani jiray, igu bixi jirtay, waxaana dhihi karaa Canab waxaa weeye boqoradii dumarka Soomaaliyeed oo idil, waayo waxay igu abuurtay jaceyl igu xidideystay, hase yeeshee maxaa dhacay?.

Aniga iyo iyada oo si weyn isu jaceyl, misena ay isku kaaya baxdo, ayaa waxaan ka war hellay iyadoo si weyn isku badashay, welibana anigoo aan waxba ka sameyn, waxna u dhimin waxna u geysan, waxaan dareemay markasta oo aan teleefanka ka waco in’ay wejiga ii badasho, marka aan rabo inaan la-sheekeysto inay sheekada meel kale u badasho, markaan damco inaan kala hadlo wax-yaabaha aan tabanaayo inaysan waqti i siinin, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxay bilowday inay teleefanka igu damiso, mararka qaarna aysan teleefanka iga qaban.
Waxaan sameeyay talaabo kasta oo aan Canab ku qanci karo, ama aan kula hadli karo, waxaan u diray boqolaal Emailo ah, hase yeeshee ima soo jawaabeyso, intaasi kadib waxaan waayay wado kale oo aan ku hadli karaayo Canab, hase yeeshee haddii ay fursad ii siin laheyd halmar inaan su’aal weydiiyo ayaan rabay, waxaan weydiin lahaa oo qura “Wax yaabaha keenay inay sidaan ii gasho, amaba ay ila dhaqanto”?

Ilaa iyo hada waxaan isweydiiyaa sababaha ay Canab sidaani igu galeyso, weliba midda kaliya ee i dhibtay, amaba aan ka jooggi waayay ayaa waxay tahay aniga oo aan waxba ka sameyn, sababaha ay sidaani igu sameyneyso, akhriste dabca
n tanoo kale haddii ay kusoo mari laheyd waad dareemi kareysaa, xanuunka ay leedahay, hadaba waxaan kaa codsan lahaa inaad wixii talo ah igu soo dirtaan E-mailka hoos ku xusan.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment