Wax Badan Ka Baro Cudurka Soomaalida Ku Badan Gaastiriko (Gastritis).

Bulsha:- Gaastiriko waa lurka dhinacyada caloosha. Tani waxay u billaaban kartaa si deg deg ah ama waxay noqon kartaa dhibaato waqti dheer.

Calaamadaha
# Calool xanuun
# Dibbiro iyo daaco
# Lalabbo ama matagid

Sababaha
# Daawooyinka qaarkood
# Aashitada caloosha oo badata
# Aalkolo cabbid
# Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Daryeelkaaga
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
# Takhtarkaaga la soco.


Si looga hortago dhibaato mustaqbalka timaadda:
# Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
# Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
# Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
# Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:
# Isku aragto matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
# Ay saxaradaadu dhiig leedahay ama madowdahay.
# Aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
# Calool xanuun xun qabto.
# Isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
# Isku aragto xanuun ama matagid soconaysa wax ka badan dhowr saacadood.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment