Video: Nin taageera ururka ISIS oo dilay Lamaane katirsan booliska Faransiiska

Bulsha:-  Nin la sheegay in uu xiriir la leeyahay Ururka Isis ayaa xalay fiidkii hore afduubtay nin boolis ah iyo xaaskiisa oo ku noolaa banaanka magaalada Paris ee dalka Faransiiska.


Ninkan booliska ah ayaa la sheegay inuu ku noolaa xaafadda Magnanville oo ah goob ay daganyihiin dadka nolosha fiican ku nool ee magaalada Paris.waxaana ninkii uu ku dilay banaanka guriga isaga oo kadib guriga ugu galay Haweenaydii uu qabay.

Ururka Isis ayaa saaka sheegtay in ninka gaystay ficilkani uu ka tirsanaa ururkooda, ninka weerarkan geystay ayaa ahaa nin booliska horay uu u yaqaanay, waxaana sanadii 2013 la qabtay isaga oo dalka Suuriya u dhoofinaya dad Xagjiriin ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment