Marnaba Ha Isku Dayin Shantaan Arimood Inaad Ku Dhahdo Lamaanahaaga, Hadii Kale Adigaa Ka Masuul Ah Hadey Sidan Dhacdo…

Bulsha:-   Hadba waxa Allsiyaasad.com idiin soo bandhigaysaa 5 arimood ee si fudud u jabin kara xiriirka lamaanaha. Kuwaas oo kala ah:

1 – Waa qaladkaaga

Adiga oo markasta qaladka kor ka saara lamaanahaaga ayaa waxa ay dhalinaysaa in aad kala fogaataan iyo is aaminid la’aan. Kuna bedela taas idinka oo isu soo dhawaada oo noqda sidii koox oo kale.

2 – Maxaad markasta sidaa u samaysaa

Adiga oo markasta fiirinaya meesha uu ka liito lamaanahaagu kor uma qaadayso xiriirkiina. Ama adiga ha ahaato ama ayada ha ahaato,e waxa qofka markasta sidaas loola hadlaa dareemayaa in laga dabashaqaynayo oo waxa sii badanaya qaladkiisa. Iskuna daya in aad kor u sii qaadaan waxa uu ku fiican yahay mid kasta.

3 – Miyaanan sidaas hore kuugu sheegin

Ha ka sii xanaajin lamaanahaaga aad hore isu qabateen, qalad kaa tirsanaya ama aad hore u canaanatay. Markaa waxa haboon in aanad tusin in aad arintaa meesha taala aad adigu ku saxsanayd.

4 – Ha ka codsan in uu kuu sheego talo hadana ha samayn wax ka soo horjeeda talada

Arintani waxa ay ku salaysan tahay ixtirmaaka. Marka aad waydiisid lamaanahaaga waxa uu ka qabo arin ama talo, kadibna aad samaysid mid ka soo hor jeeda taladii ama fikirkii uu kuu sheegay ayaa waxa ay tahay ixtirmaad daro.

5 – Ha isku cambaaraynina dadka hortiisa

Arintanina waa mid aad u xun. Hadii aad isqabtaan la taga murankiina iyo qayladiina guriga oo halkaas ku xaliya. Laakiin marka aad isku hor qabsataan oo isku hor cambaaraysaan dad kale hortiis ayaa waxa ay keenasysaa dhaacaw aan waligii bogsan iyo nacayb aad isu qaadaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment