SIR DUMAR :Gabdhaha Ninka Nuucaan ah waxay dhahaan Alla Kaas Muu I Guursado

Bulsha:- Gabadh walba waxa ay ku  hamisaa sidii ay ku heli lahayd qof jaanis ah oo wanaag oo dhan kulansadey balse nasiib daro qof walbaa ma heli qofkii uu doonayay balse waxaa nasiib oo dhan ku dhamaadey gabadhii heshaa Ninka astaamahan leh.

 Ninka caqliga  u saaxiibka ah
Ninka markii uu yahay nin waayo arag ah caqli iyo maskax dagan leh gabadha la fahmi kara xaalad kasta, wax kasta si xikmadeesan ugu jawaaba, go’aanadiisa ey yihiin kuwa aan ku jirin degdeg siimo, xilkasnimo u dheertahay, dareemi kara xaalada gabadha xiliga ay faraxsantahay kuna abuuri kara farxad, fudeed uusan ku jirin ninka sifadaas iska leh gabdhaha aad ayee u jeceyl yihiin, gabdhaha ma jecli ninka fudeedka ku jiro waxaa u sawir maya hadii ay is guursadaan dulqaad la aantiisa in ay sababi karto furiin, dumarkana ma jeclo furiin.

 Nin isku kal soon
Marka uu ninka isku kalsoon yahay uusaran ku tiirsaneen gacan kale, go’aanadiisa isaga ugaar yahay, markasta aaminsan in uu wax kasta qabsan karo baahi kasta ay jirto uusan hoos tagin dad kale, markastane aaminsan in noloshiisa uu meel marin karo, dadaal iyo wax qabad ka muuqda ninka sifadaan leh dumarka ma siidaayaan, ma jecla dumarka ninka ku tiirsan dad kale, markasta dumarka waa kuwa jecel nin wax qabad leh oo isku filan.

 Nin wax curiya (hal abuuur ama keena fikir cusub)
Ruux kasta wax ma curiyo mana ahan (creative), ninka markii uu yahay nin creative markasta maskaxdiisa ka soo baxaan aragti iyo nashqad cusub dumarka ninka sifadaan leh aad ayee u jecel yihiin, qofka markii uu wax curiyo sida hees ama gabay ama uu yahay nin designer  ah(sida nashaqada gawaarada, teleefoonada, dhisada guryaha qaab cusub, barnaamij cusub abuurid wax cusub ku soo kor dhin bulshada )  magaciisa wuu meel maraa ilaa ay saxaafadaha soo qaataan, farxad waxaa ugu filan gabadha in ay aragto gacaliyaheeda oo magaciisa meel mara, dadkuna way is waydiiyaan waxay dhahaan way u dhacatay ninkaan gabadhii uu helo, sidoo kale gabadha ayaa ka hesha bulshada dhexdeeda qadarin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment