Bulsha:- Gogoldhaaf waxaa laga wadaa Labada lamaane oo Alle xalaal ku arsaaqay xaaran sameeya, waxaan halkaan manta kusoo qaadanaynaa waxyaabaha keena in uu dhaco gogoldhaafka inagoo soo koobi doona Gogoldhaafku waa wax aad u xun oo bulshada dhib weyn u keenaya, Waxaana ku daah furaynaa sida tan :-
1-Alla ka cabsi la'aan
Labada lamaane oo midkood uu iimaanka ka guuro isla markaana shaqsi aan xalaal u aheyn la fal gal sameeya taasi waa alle ka cabsi la’aan Ogoow Qofka Allaah SWT Ka baqa aad ayuu uga fogyahay gogoldhaaf iyo wixii kasoo ag dhaw
2- Lamaanaha aan isku kalsooneyn
Labada lamaane oo uu soo kala dhex galo qilaaf aad u xoogan ayaa keeni karta in haweeneyda ama seygeeda uu qofkale la dabeecad la dhaco taasina ay imaado in gogoldhaaf lasameeyo
3- lamaanayasha aan midba midka kale jacayl u haynin ama baahitirikarin
Labada Lamaanaha Midkood oo aan wax qadarin jaceyl ah u heynin midba midka kale ama aan gogosha ku qancin Karin tusaale xaaskaaga oo aad sariirta ugu hagar bixi weyso isla markaana xili walbo oo ciyaaartu socoto aad kaga tagto qaab barrg’o ah ayaa sababi karta in haweeneydu raadiso macaanka galmada ama ninka oo haweentiisa sariirta ku cidleysa ayaa keeni karta xiliga uu si xun uu u kacsado inuu raadiyo haweeney kale oo ka baahi tirta ciyaarta fudud ee sariirta
4- naagta iyo ninka inay kala fogaadaan muddo badan
Arintaan waa mid inta badan sameysa in gogoldhaafku dhaco Lamaanaha midkood oo ka fog kan kale ayaa sababto in qabowga iyo hadalka nux nuxda ah ay kento in qofkani qof kale la fal galo raga iyo xaasaskooda tan waaan uga digeyna waa arin soo noq nooqto ka digtoonaada fadlan
Sababahaan ayaa ka mid waxyaalaha keeni kara gogoldhaafka waxaa ugu weyn midda hore, haddii qofka uu yahay mid Alle si dhab ah uga baqaya way adagtahay inuu gogoldhaaf sameeyo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment