Sababaha Keena Muranka Qoyska iyo Waxyaabaha Lagu Xalin Karo.

Bulsha:- Maxaa kena muranka Qoyska, hadabo bal ila eega sababaha keena muranka badan iyo sidaad xal uga heli laheed muranka qoyska.

Waxa inta badan lamaanaha isqaba ay ka wada hadlaan xaalada dhaqaalaha ay ku jiraan, mar marka qaarkoodna waxa dhacda in la isku fahmi waayo oo uu muran halkaa ka dhasho, murankaas oo sababa dhibaato ama kala tag.

In la is fami waayo oo uu murani dhasho waa wax ka mid ah nolol maalmeedka qoyska, laakiin marka muranku uu dhaliyo xanaaq joogta ah waxa haboon in ay labadooduba is waydiiyaan waxa sababaya dhibkan. Hadii uu muranku ka dhalanayo dhaqaalaha qoyska sidii loo saxi lahaa waxa jira talooyin idin caawin kara.

1. In lamaanuhu u samaystaan dhaqaalaha qoyska qorshe ay isku raacsan yihiin ayaa ah tan ugu muhiimsan. Kana wada xaajooda oo is waraysta sida uu qof kastaa u arko qorshaha dhaqaalaha si aad uga badbaadaan dhib hadhoow idin qabsada. In labada qof midna yahay mid lacagta kaydiya midna aan kaydin waa arin caadi ah laakiin waa in marka hore lagu heshiiyaa sida dhaqaalaha loo qaybinayo iyo masuuliyadeeda.

2. Waa in aad dejisataaan qorshe dhaqaale oo aad isla fiirisaan qarashaka idinka baxa. Tusaale ahaan waxa aad mar diwaan galisaan waxa aad soo iibsataan iyo kharashka ku baxa. Qorshaynta dhaqaalaha qoysku ma aha mid u baahan aqoon dheer oo looga soo baxo dugsi laakiin in lamaanuhu meel wax u wada wadaan waa u muhiim reerka.

3. Waxa aad u samaysaan qorshaha dhaqaaale ee qoyska xili u gaar ah oo aydin kaga wada tashataan. Sida bishiiba hal mar oo kale. Waxa aydin daristaan waxa aad soo gadateen oo fiican iyo wixii aan fiicnayn oo ka barta cashar qasaarihiina iyo faaidadina.

W/Q: Rahma Dagen







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment