Bulsha:- Ugu horeen Wad Salaamnatihiin Bahada oo maalamahan Dambe aan Aad ugu taxnaa Barnaamijyada iyo Warbixinada Arimaha Bulshada ee HEEGAN24.NET, waxaana Runti aan Aad Ugu Bagaadinayaa in ay Sii Wadaan Warbixinada ka Hadlaya Jaceylka iyo Nolashada oo aan siweyn u jeclahay intaa kadib waxaan Jeclahay in aan usoo Bandhigo Qiso Jaceyl ah oo Aniga igu dhacday waxaana Qisaadan ugu Dan leeyahay in ay ku Cibra qaataan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee haatan ku haminaya in ay Jaceyl iyo Nolol Sameesataan waxa ayna ku Bilaabeneysaa Sida Soo Socta…
Magaceygu Waa Nastexo Dahir oo ku Nool Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga Waxaan ahay Gabar dhalinyara ah oo Reerkeeda ushaqeysata isla markaana ay Ehelkeyga ku Noolyihiin wax aan Aniga Soo Shaqeeyo hadaba waxaan Jeclahay in Aan usoo bandhigo Qiso Murugo iyo ciil ba leh.
Waxaan Qadka internet ka isku Baranay Wiil Jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Wiilkaan ayaa Lagu Magacaabaa Faysal oo ku Magac Dheer (Qorane) Wiilkaan Barshadiisii Horaba aan ka helay dabaacadihiisa iyo Hadaladiisa Macaan ee uu mar walbo igula Sheekeesto intaa kadi wiilkaas waxa uu iila yimid Arimo jaceyl ah durba Waan ka yeelay Damacii Kal gaceylka ahaa ee uu iila yimid si weyna ayaan usoo dhaweeyay Anigoo markii hore ka helay Dhaqankiisa iyo Dabeecadihiisa hadaba Xiligaasi waxa ay aheey Goor habeen ah oo Xili bar ah Saacaduna ay ku beegneed 12:37 habeenkaasi waxa uu faysal ii sheegay in ay utahay habeenkii ugu farxada badneed isla markaana u cagta saaray wadadii uu ku dhisi lahaa mustaqbalkiisa isla markaana uu ku hor marin lahaa Nolashiisa.
.Waxa uuna igu dhahay Sida Tan :- Macnto Aad ban ugu Farxay Soo Dhaweyntaada Aan wax Shuruud ah aan Daba Socan teeda kale Anugu mihi Qof Ciyaaraya Waxaan Shaqsi si dhab ah kuu jelaaday isla Markaana Nafsadiisa Aan ka Beensheegeyn, Waxan nin Doonaya Farxad iyo Jaceyl Ayaayatiin iyo Mustaqabal Wanaagsan leh, Qofka kaliya ee intaa oo dhan isiin kareysa Waa Aidaga Xabiibti ee Qalbigaaga ku Haay in Dhismaha Farxdeena Ay Caawa Bilaabatay.
Marka uu intaa igu Dhahay Dhambtii waxaa igalay Dareen farxadeed iyo mid Jaceyl kii ugu weynaa Nolasheeyda waxaan xiligaasi Noqaday Qosf Aamusan oo indha kaliya ka dhooreysa Aryada Macaan ee uu Faysal Qaab Qoraal ah iigu Soo marinayo Alalada Facebook.
Kadib ayaan Anuguna ugu Jawaabay Sida Soo Socta;- Macaane Runtii aad Baan ugu Farxay Jaceylka Aad iila timid iyo qaabka Quruxda badan ee Aad iigu Soo Bandhigtay Runtii Si wacan ayaan kaaga Gudoomay waaana Soo dhaweynaya jaceylkaaga mida Kale Runtii xageeyga Kama Arkeysid Wax Dhibaato ah waxaana kaa Balan qaadaya in aan kaa Ilaaliyo Xumaha iyo wax kata oo Dhib Keeni Kara.
Hada Ba Markii aan intaa ku dhahay kadib ayaau Hadana ii Soo Daba Dhigay Erayo Murti ah oo aad uqiimo badan waxa ayna udhaceysay sida tan,
Inanyahay jar roob iyo
Jiilaalku kala wacan
Jacayl iyo nac kala wacan
Jannadii Firdoowsiyo
Jabal Naara’ kala wacan
Jirka iyo quluubtiyo
Jaahana u kala roon
Samsam jaadka aa tahayRubaddeyda jammatooQalbigaad dhaxjiiftaaKu jecliyaa xabiibtiiHa jareexin caashaqa.Adaan jawharad iyo dahab
Kaa jeclahay nafteydii
Alloow yaa JammaadeeyJiinkii shabeeliyoJubba kugu aroosaaJawhar kula dalxiistagaOod Jaamac iyo QeysJammaal Hibo u qaaddaaIntaad dunida joogtanaJacaylkaaga laasimoKu jecliyaa xabiibtiiHa jareexin caashaqa
Inta kadib aad Baan ula Dhacay Erayadaa Macaan ee Galiyaheeyga Cusub uu Qaab Qoraal ahaan iigu Soo Diray Waxaa Igal Dareen jaceyl Erayadaasina waxa ay igaliyeen Kal Gacayl Xad Dhaaf ah waana ku farxay Jaceylkeeyga Cusub hadaba habeenkaa waxa ay sheekadeenu gaartay ilaa waagii uu ka dilaaco dadka qaarn ay hurda ka tooseen inagiina labadeen aan isku diyaarniyno hurdada…….
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment